| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shirweynihii 152-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) oo lagu soo gabagabeeyay Istanbul
Madashan ayaa diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda iyo amniga caalamka, la-tacaalidda isbeddelka cimilada, xaqiijinta horumar waara, dhiirrigelinta dimuqraadiyadda, iyo doorka xeer-dejiyeyaasha ee ka-hortagga khilaafaadka.
Shirweynihii 152-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) oo lagu soo gabagabeeyay Istanbul
Shirweynihii 152-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) oo lagu soo gabagabeeyay Istanbul / Social Media

Shirweynihii 152-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Madashan oo qabsoontay intii u dhaxaysay 15-kii ilaa 19-kii Abriil 2026, ayaa waxaa waxaa ka qeyb gashay Senator Samsam Daahir Maxamuud, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna xubin ka tirsan Midowga Baarlamaannada Adduunka.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda iyo amniga caalamka, la-tacaalidda isbeddelka cimilada, xaqiijinta horumar waara, dhiirrigelinta dimuqraadiyadda, iyo doorka xeer-dejiyeyaasha ee ka-hortagga khilaafaadka iyo kor u qaadista ka-qaybgalka siyaasadeed ee dhallinyarada iyo haweenka.

Gabagabadii shirweynahan, waxaa dhacday doorasho taariikhi ah oo Anda Filip, oo u dhalatay dalka Rumaaniya, loogu doortay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee 9-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

Tallaabadan ayaa ururka u horseedaysa guul weyn, maadaama ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee xilkan qabata muddadii 137-da sano ahayd ee uu ururku jiray.

Sidoo kale, arrintan ayaa IPU ku biirinaysa liiska sii kordhaya ee hay’adaha caalamiga ah ee ay haweenku markii ugu horreysay hoggaanka u qabteen.

Doorashadan oo u dhacday hab codayn qarsoodi ah xilligii uu socday kalfadhiga Golaha Maamulka ee IPU, oo ah hay’adda ugu sarraysa ee go’aan-qaadashada ururka, ayaa waxaa ka qayb-qaatay 321 xildhibaan oo ka kala socday 126 dal.

Marwo Filip ayaa wareeggii ugu horreeyayba si aqlabiyad ah ugu guulaysatay doorashada, iyadoo heshay 72% codadkii la dhiibtay.

Waxaa xusid mudan in waraaqda codaynta ay ku tartamayeen illaa afar musharrax oo dhammaantood dumar ahaa.

Xoghayaha cusub ayaa xilka kala wareegi doonta Mudane Martin Chungong oo u dhashay dalka Kaamiruun, kaas oo muddo-xileedkiisii saddexaad iyo kii ugu dambeeyay uu ku ekaan doono 30-ka bisha Juun ee sannadkan 2026.

Marwo Filip ayaa khibrad ballaaran oo ka badan 20 sano ku dhex leh ururka IPU.

Laga soo billaabo sannadkii 2011-kii, waxa ay ahayd Agaasimaha Waaxda Baarlamaannada Xubnaha ah iyo Xiriirka Dibadda. Sidoo kale, intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2011, waxa ay ahayd Goobjoogaha Joogtada ah ee IPU u fadhiya Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo intaas u dheer in ay xoghaye ka soo noqotay 25 shirweyne oo IPU ah, iyo Guddiyada Joogtada ah ee Nabadda, Amniga Caalamiga ah iyo Arrimaha Qaramada Midoobay.