Soomaaliya: MW Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Kulan Ballaaran kula qaatay Xubnaha Golaha Mustaqbalka
Kulankan oo ahaa mid wadatashi ah, ayaa waxaa soo ajiibay madax iyo mas’uuliyiin sar-sare oo isugu jiray kuwo hore iyo kuwo hadda xilal haya, kuwaas oo ka jawaabay gogosha wadatashi ee ay fidisay XFS si looga arrinsado aayaha iyo masiirka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay mas’uuliyiinta iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka. Kulankan oo ahaa mid wadatashi ah, ayaa waxaa soo ajiibay madax iyo mas’uuliyiin sar-sare oo isugu jiray kuwo hore iyo kuwo hadda xilal haya, kuwaas oo ka jawaabay gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si looga arrinsado aayaha iyo masiirka dalka.
Mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam. Sidoo kale, waxaa goob-joog ahaa xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga heer qaran.
Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan ballaaran oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray qorsheyaasha gurmadka abaaraha iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambayn, shirkan wadatashiga ah waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu ballaarinayo talada iyo iskaashiga u dhexeeya madaxda hadda jirta iyo hoggaamiyeyaashii hore, si loo gaaro isfaham buuxa oo horseeda horumarka qaranka.