MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
Gaariga Togg ayaa la guddoonsiiyay Madaxweynaha Masar kaddib munaasabad saxiix heshiisyo iyo shir jaraa’id oo wadajir ah intii lagu guda jiray booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Turkiga ku joogay Qaahira.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii dhiggiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga Togg, oo ah gaariga korontada ee casriga ah ee Turkiga laga sameeyo.
Erdogan ayaa Sisi ku guddoonsiiyay gaariga Togg, kaddib munaasabad saxiix ah iyo shir jaraa’id oo wadajir ah intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee caasimadda Masar ee Qaahira.
Labada hoggaamiye, oo ay wehliyeen Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolojiyadda Turkiga Mehmet Fatih Kacir, ayaa sawirro wadajir ah ku galay gudaha gaariga, iyagoo ku sugnaa beerta Qasriga Al-Ittihadiya ee Qaahira.
Erdogan ayaa markii dambe gaariga Togg, oo uu waday Madaxweyne Sisi, ku aaday hoteelka si uu halkaas ugu martigeliyo kulanka gabagabada Madasha Ganacsiga Turkiga iyo Masar.