Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa soo saaray shuruuc ka adag kuwii hore oo lagu maamulayo madaarista Islaamiga ah iyo xarumaha kale ee diinta, iyagoo faray in la diiwaangeliyo isla markaana la helo ruqsad rasmi ah ka hor inta aan la furin xarumo cusub, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee deegaankaas (DDS).
Wareegtadan oo si toos ah loogu diray dhammaan xafiisyada golaha ee heer deegaan, heer magaalo iyo heer degmo, ayaa faraysa in diiwaangelin degdeg ah lagu sameeyo dhammaan xarumaha diimeed iyo dadka gacanta ku haya.
War-saxaafadeedka wareegtada ayaa u dhignaa sidan: "Sida ujeeddada sare ku xusan Xafiiska Golaha Sare ee Arrimaha islaamka DDS wuxuu farayaa dhammaan xafiisyada ay warqaddani ku socoto in diiwaan galin rasmi ah lagu sameeyo goobaha diineed ee kuyaalla daagaanka iyo cidda dhigtaba, sida (madaarista quraanka, macaahidda diiniga ah, xalaqaadka masaajidda, kulliyadaha diiniga lagu dhigo, masaajidda, cilaajyada, jamciyadaha iyo mu’assaso kasta oo diineed, I. W. M)."
Sidoo kale, amarkan ayaa si buuxda u mamnuucaya furitaanka xarumo diimeed oo cusub iyadoo aan horay loo haysan ogolaansho, waxaana bayaanka lagu yiri:
"Sidoo kale waxaa mamnuuc ah in lafuro goobhaa diineed ee aan kor kuxusnay iyada oo aan fasax rasmi ah ka haysanin xafiiska golaha sare arimaha islaamka ee ay khusayso ama awoodda uleh inuu sharciga siiyo."
Golaha ayaa dhanka kale faray xafiisyadiisa maxalliga ah inay dadweynaha la shaqeeyaan, iyadoo la faray: "Sidoo kale in loo fududeeyo dadka adeega ubaahan ee yimaada xafiisyada," taas oo muujinaysa inay tahay in gacan la siiyo xarumaha iyo shaqsiyaadka doonaya inay is-diiwaangeliyaan si ay ugu hoggaansamaan sharciyadan cusub.
Bayaanka laguma xusin sababta rasmiga ah ee xilligan keentay in la soo rogo tallaabooyinkan.
Wareegtadan oo uu soo saaray Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo qeybiyay dhammaan xafiisyadiisa ku baahsan deegaanka, iyadoo nuqullo ka mid ahna loo diray dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loola socdo dhaqangelinta amarkan.

























