Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka (Russia) ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo dhanka caafimaadka ah, kaas oo lagu tilmaamay mid ballaaran oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal.
Heshiiska waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, halka dhanka Ruushka uu u saxiixay Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, Oleg Salagay.
Is-afgaradkan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya. Qodobada ugu waaweyn ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:
Tiknoolajiyadda Casriga ah: Hirgelinta tiknoolajiyada dhijitaalka ah iyo isticmaalka Daawada Nukliyeerka.
Tayeynta Shaqaalaha: Tababaridda iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo wadaagidda khibradaha cilmi-baarista.
Daryeelka & Daaweynta: Ka hortagga cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.
Dalxiiska Caafimaadka: Dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka ee u dhexeeya labada dal.
Wasiirrada labada dal oo kulan gaar ah yeeshay saxiixa kadib, ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in heshiiskan loo dhaqan-geliyo si wax ku ool ah.
Waxay adkeeyeen in iskaashigan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta tayada adeegyada caafimaadka iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee dalka, si looga miro-dhaliyo natiijooyin u adeegaya danaha wadajirka ah.


















