Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Danjire Aweys Axmed, ayaa xafiiskiisa Villa Soomaaliya kulan miro-dhal ah kula qaatay Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ferhat Alkan.
Sida lagu xusay bayaanno si wadajir ah uga soo baxay labada dhinac, kulankan oo qabsoomay maalintii Axadda, ayaa si qotodheer loogu falanqeeyay isbeddellada dhinacyada siyaasadda iyo amniga, xoojinta dadaallada la dagaallanka kooxda argagaxisada Al-Shabaab, iyo kor u qaadista iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara.
Danjire Aweys ayaa dhankiisa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya ugu mahadcelinayso saaxiibtinimada iyo taageerada hagar-la’aaneed ee Turkiga, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la sii wado wada-shaqaynta dhow si loo damaanad-qaado xasilloonida dalka.
Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu xaqiijiyay in falanqaynta kulanka lagu lafaguray horumarradii ugu dambeeyay ee dhanka milateriga iyo amniga Soomaaliya, iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee la dagaallanka argagixisada.
“ Turkiga waxa ay dib u xaqiijinaysaa in ay ka go’an tahay sii wadidda gacan ka geysiga nabadda, xasilloonida, iyo amniga Soomaaliya, sidii ay waligeedba samayn jirtay,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda.
Sidoo kale, safaaradda ayaa uga mahadcelisay Danjire Aweys soo dhaweynta diirran iyo is-weydaarsiga fikradaha ee wax-ku-oolka ahaa intii uu kulanku socday.






















