Soomaaliya iyo Roomaaniya oo xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed

Kulanka dhex maray Danjire Khadiijo Cosoble iyo Madaxweyne Nicușor Dan ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, iyo waxbarashada.

By
Danjire Khadiijo Cosoble oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbisay Madaxweyne Nicușor Dan / User Upload

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhida dalka Biljamka iyo Midowga Yurub, Khadiijo Cosoble Cali, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ugu wareejisay Madaxweynaha dalka Roomaaniya, Nicușor Dan, munaasabad ka dhacday caasimadda dalkaas.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kaas oo soo jirey tan iyo sannadkii 1965-tii.

Kulanka dhex maray Danjire Khadiijo Cosoble iyo Madaxweyne Nicușor Dan ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, iyo waxbarashada.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo xiriirka laba-geesoodka ah ee ku qotoma danaha ay wadaagaan labada shacab.

Magacaabistan aa la filayaa in ay horseeddo iskaashi xooggan oo dhinacyo badan taabanaya, kaas oo qayb ka noqonaya xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka qaaradda Yurub.