| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal ayaa doceeda Shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika kaga wada-arrinsaday difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo fulinta heshiisyadii New Alamein
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali / Others

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar,Badr Abdelatty, ayaa Khamiistii (29-kii Oktoobar) wada-hadallo istaraatiiji ah ku yeeshay magaalada Moscow, xilli uu halkaas ka socday Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika.

Kulankan oo diiradda lagu saaray xiriirka laba-geesoodka ah iyo xasaradaha amni ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu madasha ka caddeeyay in xukuumadda Qaahira ay si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimi karta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Abdelatty ayaa dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya iyo dadaallada xukuumadda Muqdisho ay ku tayeynayso hay’adaha dowladda. 

Dhanka kale, labada mas'uul ayaa lafa-guray dariiqyada lagu ballaarin karo xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas Iyagoo falanqeynaya xaaladaha amni-darro ee mandaqadda, wasiirrada ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si dhab ah loo dhowro madax-bannaanida dhuleed ee dalalka gobolka.

Waxa ay si gaar ah dib-u-eegis ugu sameeyeen halka ay marayso fulinta qodobbadii amni iyo dhaqaale ee lagu heshiiyay shir-madaxeedkii wada-tashiga ahaa ee Masar, Soomaaliya, Eritrea, iyo Suudaan, kaas oo dhowaan lagu qabtay magaalada New Alamein.

Wada-hadalladan ayaa daba-socda silsilad wada-tashiyo joogto ah oo u dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Qaahira,xilli ay labada dowladood dardargelinayaan iskaashigooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni si ay si wadajir ah u waajahaan caqabadaha gobolka.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Moscow u tagay si uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu matalo furitaanka Shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika, halkaas oo madaxda qaaraddu ay dhiggooda Ruushka kaga wada-hadlayaan jihada mustaqbalka ee iskaashiga labada dhinac iyo arrimaha mudnaanta leh ee sannadaha soo socda.

XIGASHO:TRT SOMALI