Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankoodii 26-aad ee kalfadhiga 8-aad, waxaana shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyadoo uu wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn soo gabagabeeyay akhrinta koowaad ee Heshiiskii Qaramada Midoobay ee 1988 ee La-dagaallanka Ka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Maandooriyaha iyo Walxaha Saameeya Maskaxda, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Xildhibaannada ayaa su'aalo weydiiyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, kaas oo isaguna ka jawaabay su'aalihii ay xildhibaannadu soo jeediyeen.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale akhrinta saddexaad marsiiyay heshiisyada iskaashiga garsoorka caalamiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo warbixinta akhrinta koowaad ee heshiisyadan uu Golaha u soo bandhigay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal (Geelle).
Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta saddexaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee Abriil 2012, iyadoo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Isla-xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, uu Golaha warbixin ka siiyay akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo soo xiray kulanka, ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ka qaybgalka kulanka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.






















