Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Axaddii xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka, oo ay hoggaaminayso Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka, iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida Guddiga, si waafaqsan Mabaadi’da Paris.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinno joogto ah loo gudbiyo Baarlamaanka, iyo in la xoojiyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka, si uu si madax-bannaan ugu guto waajibaadkiisa ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha guud ahaan Soomaaliya.





















