| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Hay’adaha gargaarka oo ay ka mid tahay International Rescue Committee (IRC) ayaa xaqiijiyay in sahay cunto oo loogu talagalay in ka badan 1,000 carruur ah ay muddo laba bilood ah ku xannibnayd dekedda Mundra ee dalka Hindiya.
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan

Dib-u-dhac baahsan oo ku yimid rarka badeecadaha, kharashka dhoofinta oo cirka isku shareeray, iyo gargaarkii caalamiga ahaa oo hoos u dhac weyni ku yimid, ayaa boqolaal kun oo carruur Soomaaliyeed ah oo la il-daran nafaqo-darro ba’an qarka u saaray in ay waayaan cuntooyinkii gargaarka ee noloshooda lagu badbaadinayay.

Carruurtan oo markii horeba la daalaa-dhacayay cawaaqib-xumada ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday iyo dhimista dhaqaalaha deeq-bixiyeyaasha, ayaa dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan waxa uu uga dhigan yahay xaalad isugu biyo-shubatay geeri iyo nolol, taas oo ka durugsan sekedda hore ee sare-u-kaca qiimaha shidaalka.

Shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala xarumaha nafaqaynta ee magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa sheegaya in ay ku khasbanaadeen in ay yareeyaan qaddarka caanaha gaarka ah iyo buskutka looska nafaqaysan ee loo yaqaano ‘Peanut paste’ ee la siiyo carruurta, si ay u maareeyaan sahayda gabaabsiiga ah ee ay hayaan.

Kalkaaliye Xasan Yaxye Kheyre ayaa tilmaamay in xaruntiisa oo daawaysa in ka badan 1,200 oo carruur ah ay qarka u saaran tahay in ay gebi ahaanba ka go’do sahayda muddo laba toddobaad gudahood ah, isagoo ka digay in haddii la joojiyo daawaynta ay carruurtu wajihi karaan daciifnimo maskaxeed iyo mid jireed oo aan dib laga soo kaban karin.

Dhibaatadan ayaa salka ku haysa isku-socodka badda ee carqaladoobay, kaddib markii Iiraan ay xirtay albaabka laga galo Gacanka markii uu dagaalku qarxay 28-kii Febraayo.

Hay’adaha gargaarka oo ay ka mid tahay International Rescue Committee (IRC) ayaa xaqiijiyay in sahay cunto oo loogu talagalay in ka badan 1,000 carruur ah ay muddo laba bilood ah ku xannibnayd dekedda Mundra ee dalka Hindiya.

Sidoo kale, kharashka rarka iyo wax-soo-saarka ee cirka isku shareeray ayaa keenay in qiimaha hal kartoon oo cuntooyinkan ah uu gaaro $200, halkii uu markii hore ka ahaa $55. Sida uu xaqiijiyay Maxamed Cumar oo ka tirsan hay’adda Action Against Hunger (ACF), safarka maraakiibta oo markii hore qaadan jiray 30 ilaa 35 maalmood ayaa haatan gaaray 55 ilaa 65 maalmood sababo la xiriira halista ammaan.

Xaaladdan ayaa sii murgaysa xilli warbixinta IPC ee la socodka macaluusha caalamka ay xaqiijisay in in ka badan 2 milyan oo qof ay haatan Soomaaliya gudaheeda ku jiraan marxaladda “Xaalad Degdeg ah” oo ah heerka ugu dambeeya ee ka horreeya macaluusha dhabta ah.

In kasta oo ay baahidu kor u kacday 35% bilihii u dambeeyay, haddana Soomaaliya laguma darin 17-ka waddan ee saboolka ah ee loo qoondeeyay in ay helaan saamiga lacagaha gargaarka ah ee uu Maraykanku sannadkan siiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA).

Xafiiska ayaa ka digay in xiritaanka in ka badan 200 oo xarumo caafimaad ay sababi karto in 150,000 oo carruur ah ay daawo la’aan maraan haddii aan la helin taageero maaliyadeed oo degdeg ah.

XIGASHO:Reuters