| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
RW Xamze oo Arday Qalin-jabisay ugu Baaqay inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Horumarka Qaranka
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadda Muqdisho ugu baaqay inay aqoontooda iyo xirfadahooda uga faa’iideeyaan wax ka qabashada caqabadaha bulshada iyo horumarinta dalka.
RW Xamze oo Arday Qalin-jabisay ugu Baaqay inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Horumarka Qaranka
RW Xamze oo Arday Qalin-jabisay ugu Baaqay inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Horumarka Qaranka / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday Jaamacadda Muqdisho, halkaas oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay arday dhammaystay heerar kala duwan ee jaamacadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay ayaa sidoo kale bogaadiyay waalidiintooda iyo macallimiintooda taageerada ay ka geysteen waxbarashadooda, wuxuuna ardayda ugu baaqay inay aqoontooda iyo xirfadahooda u adeegsadaan wax ka qabashada caqabadaha haysta bulshada Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada horumarka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan siisay horumarinta waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isagoo waxbarasho tayo leh ku tilmaamay tiir muhiim u ah horumarka qaranka iyo dadaallada Soomaaliya ay ku dhiseyso hay’ado dowladeed oo casri ah.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waxbarashada la waafajiyo baahiyaha suuqa shaqada, isagoo ardayda qalin-jabisay ku boorriyay inay aqoontooda iyo khibraddooda u adeegsadaan xallinta caqabadaha dhabta ah iyo abuurista fursado.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa intaas ku daray in dowladdu mudnaan siinayso abuurista fursado shaqo oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay iyo xoojinta ka faa’iidaysiga aqoonta iyo khibradda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee hay’adaha dowladda.

XIGASHO:SONNA