RW Xamse oo ka qeyb galay xuska Maalinta Qaranka Qatar oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu ka weyn yahay diblomaasiyad caadi ah, balse uu yahay xiriir walaaltinimo, iskaashi, iyo horumar la wadaago.

By
RW Xamse oo ka qeyb galay xuska Maalinta Qaranka Qatar oo lagu qabtay Muqdisho / OPM Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay Muqdisho laguna xusayay Maalinta Qaranka Dowladda Qatar. Xuskan ayaa loo diyaariyay si loo muujiyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, ka hor maalinta rasmiga ah ee dabaaldegga dhammaadka bishan.

Maalinta Qaranka Qatar, oo si rasmi ah loo xuso 18-ka Diseembar, ayaa lagu xusaa mideyntii taariikhiga ahayd ee dalka sannadkii 1878, oo uu hormuud ka ahaa aabbihii aasaasay qaranka, Sheikh Jassim bin Mohammed Al Thani. Waa maalin lagu maamuuso taariikhda, aqoonsiga qaranka, iyo qiyamka uu ku dhisan yahay dalka Qatar.

Khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa wuxuu hambalyo u diray hoggaanka iyo shacabka Qatar, isaga oo uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda Qatar ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu ka weyn yahay diblomaasiyad caadi ah, balse uu yahay xiriir walaaltinimo, iskaashi, iyo horumar la wadaago.

Munaasabaddan ayaa mar kale muujisay xiriirka dhow ee labada dal, iyadoo Qatar ay weli door muhiim ah ka ciyaarto mashaariicda horumarineed iyo dadaallada gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya.