22 qof oo ay ku jiraan dhaqaatiir oo lagu dilay weerar RSF ku beegsatay isbitaal ku yaalla Suudaan

Ururka dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in weerarro soo noqnoqday oo ka dhacay Koonfurta Kordofan ay sababeen in dhowr isbitaal ay shaqada joojiyaan, taasoo sii xumeysay qalalaasaha bani’aadamnimo.

By
Maleeshiyada RSF ayaa horey loogu eedeeyay inay beegsadaan xarumaha caafimaadka, dugsiyada iyo masaajidda. / AA

Ugu yaraan 22 qof, oo ay ku jiraan afar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, ayaa ku dhintay, halka siddeed kale ay ku dhaawacmeen, kaddib markii xoogagga hubeysan ee RSF ay duqeyn ku beegsadeen Isbitaalka Militariga Al-Kuweik ee ku yaalla gobolka Koonfurta Kordofan ee Suudaan, sida ay Khamiistii sheegeen shabakadda dhakhaatiirta Suudaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu sheegay in dadka ku dhintay ay ka mid yihiin agaasimaha caafimaadka ee isbitaalka iyo saddex shaqaale caafimaad oo kale.

Ururka ayaa cambaareeyey weerarka, iyagoo sheegay in beegsiga xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadku uu “ka dhigan yahay dembi dagaal iyo ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga bani’aadamnimo ee caalamiga ah iyo heshiisyada damaanad qaadaya ilaalinta dadka rayidka ah iyo xarumaha caafimaadka.”

Waxay intaas ku dartay in duqeyntani aysan ahayn dhacdo gooni ah, balse ay qayb ka tahay weerarro is-daba joog ah oo ka socda Koonfurta Kordofan, kuwaas oo sababay in dhowr isbitaal ay shaqada joojiyaan, isla markaana sii xumeeyay xaaladda bani’aadamnimo, halisna geliyay adeegyada caafimaad ee weli u hadhay shacabka.

Baaq ficil degdeg ah

Ururka ayaa si buuxda mas’uuliyadda weerarka dusha uga saaray RSF, uguna baaqay beesha caalamka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada xuquuqda aadanaha inay qaadaan tallaabo degdeg ah si loo joojiyo weerarrada soo noqnoqda ee lagu beegsanayo xarumaha caafimaadka.

RSF ayaan weli wax faallo ah ka bixin eedeymaha loo jeediyay.

18-ka gobol ee Suudaan, RSF ayaa gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee ku yaalla galbeedka Darfur, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfur oo weli ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda. Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya inta badan 13-ka gobol ee kale ee ku yaalla koonfurta, waqooyiga, bariga iyo bartamaha dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.

Colaadda u dhexeysa ciidamada Suudaan iyo RSF, oo qaraxday bishii Abriil 2023, ayaa dishay kumannaan qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.