| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira
Booqashada ayaa qayb ka ah socdaalka Firdhiye ee Masar, xilli Soomaaliya iyo Masar ay sii xoojinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal
Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awaare

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awaare, iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda.

Danjire Awaare, oo sidoo kale ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howlaha safaaradda, arrimaha Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday iskaashiga Muqdisho iyo Qaahira, oo sannadihii u dambeeyay ku fiday dhinacyo kala duwan, iyo doorka safaaradda ee matalaadda danaha Soomaaliya ee Masar iyo Jaamacadda Carabta.

Cabdiqaadir Firdhiye ayaa dhankiisa uga mahadceliyay danjiraha iyo diblomaasiyiinta safaaradda shaqada ay hayaan, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda, midnimada dalka iyo wada-shaqeynta hay'adaha dowladda.

Booqashada ayaa qayb ka ah socdaalka Firdhiye ee Masar, xilli Soomaaliya iyo Masar ay sii xoojinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Raadi Warar Kale
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Furay Shirka Horumarinta Waxbarashada
SoDMA iyo UNDP oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Bani’aadannimo iyo U Diyaar-garowga El Niño
Taliyaha Milateriga Baakistaan oo Tihraan kula kulmay Madaxweynaha Iiraan
Wasiirka Ganacsiga oo Ku Baaqay Kordhinta Ganacsiga Xilli Soomaaliya Xoojinayso Isdhexgalka EAC
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyay 10-ka Arday ee Ugu Sarreeyay Imtixaanka Qaranka
Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada
Sucuudiga iyo Faransiiska oo taageeray dawlad Falastiini ah, Israa’iilna uga digay Lubnaan
Ciidamo Taabacsan Militariga Suudaan oo Sheegay inay Burburiyeen 49 Gaari oo RSF ay leeyihiin
RW Xamza oo Shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Qaran ee Maareynta Khatarta Musiibooyinka
Soomaaliya iyo UK oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Dadaallada La-dagaallanka Argagixisada
Soomaaliya oo Xoojisay Iskaashiga Beeraha iyo Cimilada Intii uu Socday Shirka UNCCD COP17
Soomaaliya iyo IFAD oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xoolaha iyo Adkeysiga Bulshooyinka Xoolo-dhaqatada ah
RW Xamze oo Arday Qalin-jabisay ugu Baaqay inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Horumarka Qaranka
Toddoba qof oo hal qoys ah oo ku nafwaayey doon tahriibiyaal sidday oo ku degtay xeebaha Tuniisiya
Turkiga iyo 11 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ku beegsatay Suuriya
Masar oo Sheegtay inay Difaacayso Amniga Biyaha Xilli Itoobiya Qorshaynayso Biyo-xireenno Cusub
Wasiirka Amniga Dowladda Federalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta JFS oo Beijing Kaga Qaybgalaya Madasha Warbaahinta Shiinaha iyo Afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee Guddiga Joogtada ah
Wasiir Fidan oo dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga kala hadlay qorshaha nabadda Qaza