| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
18 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay qorshaha Israa’iil ay wakiil ugu magacaabayso Somaliland
Tallaabadan ayaa dalalkani waxa ay ku tilmaameen xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
18 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay qorshaha Israa’iil ay wakiil ugu magacaabayso Somaliland
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday go’aanka Koonfur Galbeed, kuna baaqday wada-hadal / User Upload
3 saacadood ka hor

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 18 dal oo isugu jira Carab iyo Islaam, ayaa si kulul loogu cambaareeyay ku dhawaaqista Israa’iil ee ku aaddan in ay wakiil diblomaasiyadeed u magacawdo gobolka gooni-u-goosadka sheegta ee Somaliland.

Tallaabadan ayaa dalalkani waxa ay ku tilmaameen xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaankan oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladdaha Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Qatar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indooniisiya, Baakistaan, Kuweyt, Mooritaaniya, Urdun, Cumaan, Lubnaan, iyo Yemen, ayaa mar kale lagu xaqiijiyay diidmada qayaxan ee dalalkani ay kala horjeedaan dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu wiiqayo midnimada dowladaha ama lagu faragelinayo madax-bannaanidooda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkan ayaa carrabka ku adkeeyay taageeradooda buuxda iyo garab-istaaggooda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay si gaar ah u muujiyeen in ay si dhammaystiran u taageersan yihiin hay’adaha sharciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku qeexeen in ay yihiin matalaadda keliya ee rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay in falalka noocan ah ay yihiin xad-gudub muuqda oo ka dhan ah mabaadi’da shuruucda caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Waxay ka digeen in dhacdadan ay abuurayso tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida Geeska Afrika, taas oo saameyn taban ku yeelan karta nabadda iyo amniga gobolka guud ahaan.

XIGASHO:SONNA