| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
3 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Hawlgalkan oo ay hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa mas’uuliyiintu ku tilmaameen weji cusub oo u furmay magaalada, kana tarjumaya xaaladda amni ee soo hagaagtay.
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Dowladda Soomaaliya ayaa jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho / User Upload
6 Oktoobar 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii daah-furtay qorshe ballaaran oo dib loogu furayo 52 waddo oo waaweyn oo ku yaal caasimadda Muqdisho, taasoo calaamad u ah markii ugu horreysay muddo 15 sano ah oo dhowr waddo oo muhiim ah oo sababo amni u xirnaa loo furayo dadweynaha.

Tallaabadan oo ahayd mid astaan iyo ficilba isugu jirtay, ayay ciidamada amnigu ku bilaabeen inay ka qaadaan jid-gooyooyinkii shubka ahaa ee muddada dheer kala qaybinayay Muqdisho, iyadoo la arkayay cagaf-cagafyo qaadaya dhagxaantii waaweynaa, halka askartii booliska ee ku sugnaa baraha kontoroolna dib loo daad-gureeyay.

In ka badan toban sano, maritaanka waddooyin badan oo muhiim ah, gaar ahaan kuwa u dhow xarumaha dowladda iyo deegaannada mas'uuliyiinta, waxay u baahnaayeen fasax amni oo horudhac ah, taas oo inta badan dib u dhigi jirtay adeegyada degdegga ah sida ambalaasyada.

Jid-gooyooyinkan oo markii hore loo dhisay si looga hortago weerarada Al-Shabaab, waxay si weyn u carqaladeeyeen dhaqdhaqaaqii iyo ganacsigii qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Hawlgalkan oo ay hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa mas’uuliyiintu ku tilmaameen weji cusub oo u furmay magaalada, kana tarjumaya xaaladda amni ee soo hagaagtay.

“Duruufihii adkaa ee 15-kii sano ee la soo dhaafay ayaa nagu khasbay inaan xirno waddooyinkan, balse xalka dhabta ahi waligiis kuma jirin in la xiro. Wuxuu ku jiraa in la jabiyo argagixisada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa qorshahan ku ammaanay “guul ay shacabka Soomaaliyeed muddo dheer sugayeen,” isagoo sheegay inay soo celin doonto xorriyadda isu-socodka ee dadka deggan Muqdisho.

Wasiir Fartaag wuxuu intaas ku daray, “Ujeeddadeennu waa inaan hubinno in dadka Muqdisho ay dib u helaan xorriyaddooda isu-socodka, taasoo u oggolaanaysa inay ganacsigooda wataan oo ay nolol maalmeedkooda u gutaan si aan caqabad lahayn. Shaki kuma jiro in tani ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo nabad waarta iyo soo celinta isu-socodka xorta ah ee dalka oo dhan.”

Hindisahan oo socon doona 30 maalmood ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo ciriiriga waddooyinka, laguna soo celiyo bilicda iyo isku socodka caasimadda. Sida uu sheegay Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, “Furitaanka waddooyinkan waxay diraysaa farriin cad oo ah in Muqdisho ay ka xorowday dabinnadii iyo khatarihii ay ku hayyeen argagixisada Al-Shabaab.”

Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambayn ugu baaqay muwaadiniinta inay taageeraan dadaallada dowladda ee lagu joogteynayo xasilloonida. “Amnigu waa mas’uuliyad la wadaago,” ayuu yiri. “Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu door ku leeyahay ilaalinta caasimaddeena iyo mustaqbalkeenna.”

Furitaanka waddooyinkan ayaa la filayaa inay soo afjarto sannado badan oo ciriiri iyo dhibaatooyin dhanka isusocodka ah oo haystay darawallada iyo ganacsatada, kuwaas oo ku khasbanaa inay maraan waddooyin wareeg ah oo dhaadheer si ay u gaaraan suuqyada dhexe ama xarumaha dowladda.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika oo lagu xoojinayo iskaashiga
Maamulka Muqdisho waxa uu dib u furay saddex waddo oo muhiim ah si loo fududeeyo isu socodka
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka
Gabadh ka qalinjebisay Turkiga oo Soomaaliya ka aas-aastay shirkadda ugu weyn ee cadarka
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya: "Turkiga ayaa hormuud ka ah maalgashiga dhabta ah ee Dalka"
Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadday la dagaallanka dambiyada internetka
Turkiga oo Sannadkan Barkiisa Hore Helay $6.3B oo ah Maalgashiga Tooska ah ee Dibadda
Raysal Wasaaraha Senegal Ousmane Sonko oo booqasho rasmi ah ku imanaya Turkiga
Muqdisho: Qorshe cusub oo dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimada oo xowli ku socda
Kenya oo ka hortimid go’aanka Tanzania ee mamnuucaya ganacsatada shisheeye
Soomaaliya: Bangiga Dhexe oo ku dhawaaqay in Aqoonsiga Qaranka laga rabo macaamiisha
Wajiga Cusub ee Isgaarsiinta: Adeeggii Boostada Soomaaliya oo dib loo howlgeliyay
Soomaaliya oo soo iibsatay laba diyaaradood: Somali Airlines oo hawada dib ugu soo laabanaysa
Soomaaliya: Wasaaradda Beeraha oo daah-furtay barnaamij lagu tababarayo farsama-yaqaannada cagafyada
Beydan: Goobta qaxwada Soomaaliya ee ka dhalatay waxbarashada Turkiga ee Najiib
Kanada oo amartay shirkadda weyn ee amniga Shiinaha ee Hikvision inay joojiso hawlaheeda