| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha
Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga, gaar ahaan xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo mashaariicda horumarineed.
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha / SONNA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Cabdullaahi Faarax (Xareed), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Horumarinta iyo Maalgashiga Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayey Talaal Bin Rashiid Al-Hajri.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo wada-hadalladu ay diiradda saareen xoolaha nool, beeraha, kalluumaysiga, wax-soo-saarka cunnada, caafimaadka iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed.

Agaasimaha Guud waxaa kulanka ku weheliyey Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Gutaale, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Caafimaadka, Cabdi Dirshe iyo Yuusuf Wadani.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo aqoonsan lahaa fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga iyo maalgashiga ee qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo mudnaanta horumarineed ee dalka.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka: Muqdisho
Safiirka Soomaaliya oo Warqadihiisa Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Dalka Chad
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda oo Xoojinaysa Xiriirka Ganacsi ee Labada Dal: Muqdisho
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Golaha Shacabka oo Ka Dooday Heshiiska QM ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Sharciga Bangiga Dhexe
SoDMA, FAO iyo Norway oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga El Niño iyo Digniinta Hore ee Musiibooyinka
Soomaaliya oo Warbaahinta uga Digtay Faafinta Borobagaandada Argagixisada
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Sagal Cabdi-Wali: Gabar Soomaaliyeed oo Qaxooti Aheyd oo xildhibaan ka noqotay Baarlamaanka Britain
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Maamulka Hirshabeelle
Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka ee XFS oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Wada Shaqeynta
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug
RW Xamza oo Daahfuray Dib-u-soo-celinta Nidaamka IATA-BSP oo Soomaaliya ka Maqnaa 35 Sano
Ciidamada Suudaan oo Koonfurta Darfur khasaare xooggan ku gaarsiiyay RSF: Maamulka Gobolka
Bangiga Adduunka oo Shaaciyay $93 Milyan oo Lagu Xoojinayo La-dagaallanka Cudurka Ebola ee Afrika
RW Xamza oo Dhagax-dhigay Xarunta Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD
Al-Burhan oo warqad u diray Trump, kuna xaqiijiyay taageerada dadaallada nabadeed ee Mareykanka
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay xilliga Qabashada Doorashada Baarlamaanka & Madaxweynaha