Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cunnada Soomaaliya (NAFIS 2026), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wax-soo-saarka cunnada gudaha, horumarinta beeraha iyo ballaarinta fursadaha maalgashi.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in shirka NAFIS 2026 uu gudbinayo farriin muhiim ah oo ku saabsan jihada cusub ee hoggaanka qaranka, taas oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu xoojinayo dhaqaalaha, kordhinta wax-soo-saarka iyo ballaarinta fursadaha maalgashi ee waaxda beeraha.
Wuxuu iftiimiyey awoodda ballaaran ee Soomaaliya u leedahay wax-soo-saarka cunnada, taas oo ay taageerayaan dhul-beereedka baaxadda leh, khayraadka biyaha iyo kartida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dalku uu sii yeelanayo awood uu ku gaari karo isku-filnaansho cunto oo heer sare ah.
“Waxaan ku kalsoonahay in maalgashiga beeraha iyo nidaamka cunnadu uu muhiim u yahay dalkeenna iyo guud ahaan Geeska Afrika. Kordhinta wax-soo-saarka gudaha waxay xoojin doontaa dhaqaalaha, waxay horumarin doontaa kaabeyaasha horumarineed ee gobolka, waxay abuuri doontaa fursado ay ka faa’iidaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxayna u gogol xaari doontaa kororka dakhliga qaranka iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cunnada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya inay aqoonsadaan isbeddellada ka socda dalka, isla markaana iskaashigooda la waafajiyaan qorshayaasha iyo mudnaanta cusub ee dowladda, kuwaas oo uu sheegay inay ka tarjumayaan Soomaaliya cusub iyo dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda.




























