| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Dawlad-goboleedyada u Qaabilsan Amniga
Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Muqdisho kula kulmay wasiirrada amniga ee Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka arrimaha amniga.
Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Dawlad-goboleedyada u Qaabilsan Amniga
Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Dawlad-goboleedyada u Qaabilsan Amniga / SONNA

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Arbacadii xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirrada u qaabilsan amniga ee Dawlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.

Wasiirrada dawlad-goboleedyada ayaa Muqdisho u jooga ka qaybgalka Shirka Qaran ee Amniga Gudaha, oo la qabanayo 1-da ilaa 2-da Sebtembar 2026. Shirku wuxuu diiradda saarayaa xoojinta amniga gudaha, sare u qaadidda isku-dubbaridka hay’adaha amniga iyo horumarinta iskaashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada.

Kulanka Wasiirka Federaalka iyo wasiirrada amniga ee dawlad-goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka dadaallada amniga, oo ay ka mid yihiin iswaafajinta qorshayaasha amniga iyo wax ka qabashada caqabadaha amni ee dalka ka jira.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sii wada inay mudnaan siiso xoojinta isku-dubbaridka iyo iskaashiga hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed, si loo taageero hannaan amni qaran oo mideysan oo wax-ku-ool ah.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga iyo Deeqaha Waxbarasho
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo isla gartay muhiimadda dhowrista madax-bannaanida Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Qaybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU ee Arusha
Weerar ay RSF ka geysatay Galbeedka Kordofan oo lagu dilay ugu yaraan 10 rayid ah
NISA oo dishay madaxii hore ee 'Amniyaadka' Al-Shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Jilib
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hay’adaha Amniga u Qabatay Tababar ku Saabsan Xasaanadda Diblomaasiga
Soomaaliya iyo Algeria oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada
Soomaaliya oo u Diyaar-garoobaysa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha