| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya 2026
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan XFS, madaxda hay’adaha dowladda, wakiillo ka socda jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare, cilmi-baarayaal, khubaro tiknoolojiyadeed, hal-abuurayaal, ganacsato iyo ardeyda jaamacadaha.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya 2026

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya 2026, oo ah madal qaran oo loogu talagalay in lagu falanqeeyo doorka Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence - AI) ee horumarinta adeegyada dowladda, dhiirrigelinta hal-abuurka, dardargelinta isbeddelka dijitaalka ah, iyo kobcinta horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Shirkan oo soconaya laba maalmood ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyadoo kaashanaysa Bulshada AI Soomaaliya (AI Somalia Community), isla markaana si dhow ula shaqeynaysa Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknoolojiyadda (ZUST) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU), kuwaas oo si wadajir ah uga qayb qaatay qabanqaabada munaasabaddan.

Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, kaas oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si istaraatiiji ah looga faa’iidaysto fursadaha uu bixiyo Garaad Gacmeedka si loo xoojiyo waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka, iyo dhaqaalaha ku dhisan aqoonta.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay:

  • Dr. Maxamuud Maxamed Xassan (Harbi), Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknoolojiyadda.

  • Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

  • Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

  • Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Axmed Ismaaciil Diiriye.

Dhammaan ka qaybgalayaasha ayaa iftiimiyey fursadaha iyo muhiimadda Garaad Gacmeedka ee qaabeyn kara mustaqbalka Soomaaliya isla markaana dardargelin kara horumarka qaranka.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda hay’adaha dowladda, wakiillo ka socda jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare, cilmi-baarayaal, khubaro tiknoolojiyadeed, hal-abuurayaal, ganacsato, ururrada bulshada rayidka ah, arday, iyo daneeyayaal kale.

Mudada labada maalmood ah ee shirku socday, ka qaybgalayaashu waxay ka doodayeen arrimo ay ka mid yihiin: Maamulka iyo sharciyeynta Garaad Gacmeedka (AI Governance and Regulation), Adeegsiga AI ee adeegyada dowladda, AI iyo waxbarashada, AI iyo caafimaadka, AI iyo beeraha, Amniga internetka (Cybersecurity), Ilaalinta xogta (Data Protection), Xuquuqda dijitaalka ah, Horumarinta AI-ga ku shaqeeya luqadda Soomaaliga iyo Hal-abuurka iyo dhaqaalaha dijitaalka ah.

Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu noqdo madal wadajir ah oo isu keenta hay’adaha dowladda, jaamacadaha, cilmi-baarayaasha, hal-abuurayaasha, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo bahwadaagta horumarinta si loo dhiirrigeliyo xalal wax ku ool ah oo ku dhisan Garaad Gacmeedka, kuwaas oo wax ka qaban kara mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya isla markaana taageeri kara koboc loo dhan yahay oo waara.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo Xaqiijisay Sida ay uga Go’an Tahay Xoojinta Awood-siinta Haweenka: Islamabad
Ciidanka Suudaan oo Sheegay inay Soo Rideen Diyaarad Nooca FH-95 ah Xilli Dagaallo ay la Galeen RSF
Maxkamad ku Taalla Suudaan oo Dil Toogasho ah ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF isagoo Maqan
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Duqeymo ku Dilay 26 ka Tirsan Al-Shabaab
Soomaaliya oo Hoos u Dhigtay Calanka Baroordiiqda Geerida Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani
QM oo Ka Digtay in Weerarrada Drones-ka ay Sii Xoojinayaan Dhibaatada Bani’aadannimo ee Kordofan
Dalalka Carabta oo ka Tacsiyeeyey Geerida Amiirkii Hore ee Qatar, Kuna Dhawaaqay Baroordiiq Qaran
MW Xasan Sheekh oo Ku Tilmaamay Qalin-jabiyeyaasha TURKSOM Hoggaamiyeyaasha Mustaqbalka ee CXDS
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM oo Ku Baaqay in si Degdeg ah loo Joojiyo Dagaallada Bariga DRC
Howlgal Wadajir ah oo ka Dhacay Jubbada Hoose oo Lagu Dilay Laba Hoggaamiye ka Tirsanaa Al-Shabaab
Soomaaliya oo ansaxisay Istaraatiijiyada Qaran ee Kahortagga Musuqmaasuqa 2026–2030
Burhaan iyo Ergayga AU oo Ka Wada Hadlay Dadaallada Nabadda iyo Dib u Furista Xafiiska Khartuum
Wasiirka Gaashaandhigga oo CXDS ku Boorriyay Gelidda Heegan Sare Kahor Wajiga Xiga ee Howlgallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo Gaaray Itoobiya Safar aan Hore Loo Shaacin uu ku Marayo Afrika
Masar oo Cambaareysay Weerarrada Lagu Qaaday Maraakiibta Qatar iyo Sacuudiga ee Marinka Hormuz
Jaamacadda Carabta oo Ka Digtay Masiibo Bani’aadannimo iyo Mid Amni oo Kusoo Fool Leh Al-Obeid
Shirka Dalalka IGAD ee Hirgelinta Hab-maamuuska Dhaqdhaqaaqa Xorta ah oo Ku qabsoomay Muqdisho
Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojinaya Xiriirkooda una diyaar-garoobaya Shirka Guddiga Wadajirka ah
Wasaaradda Gaashaandhigga oo Beenisay Warbixinta ICG ee La-dagaallanka Argagixisada Soomaaliya