| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ciidanka Suudaan oo La Wareegay Deegaan Istaraatiiji ah oo ku Yaalla Galbeedka Daarfuur
Ciidanka Suudaan ayaa la wareegay gacan-ku-haynta deegaanka Bir Kelekel ee gobolka Galbeedka Daarfuur, kaddib dagaallo ay la galeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), sida uu sheegay mas’uul Suudaani ah.
Ciidanka Suudaan oo La Wareegay Deegaan Istaraatiiji ah oo ku Yaalla Galbeedka Daarfuur
Ciidanka Suudaan oo ka qaybgalaya dhoolatus milatari, 17-kii Agoosto, 2026 / AFP

Ciidanka Suudaan ayaa la wareegay gacan-ku-haynta deegaanka Bir Kelekel ee gobolka Galbeedka Daarfuur, kaddib dagaallo ay la galeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), sida uu Arbacadii sheegay mas’uul Suudaani ah.

Guddoomiyaha gobolka Galbeedka Daarfuur, Bahr al-Din Adam Karama, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidanka iyo xoogagga xulafada la ah ay “horumar la taaban karo” ka sameeyeen deegaanka Bir Kelekel, oo ku yaalla qaybta bari ee degmada Jebel Moon.

Karama ayaa la wareegidda deegaanka ku tilmaamay horumar muhiim u ah dowladda Suudaan, isagoo sheegay in deegaankani leeyahay muhiimad istaraatiiji ah, maadaama uu ku dhow yahay Jebel Moon.

Wuxuu sheegay in hawlgallada milatari ee jiidda Galbeedka Daarfuur ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, si dib loogu soo celiyo amniga, loona ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida Suudaan.

Askarta ciidanka Suudaan ayaa sidoo kale baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ay ku shaacinayaan in ciidamadoodu la wareegeen gacan-ku-haynta Bir Kelekel.

Ciidanka Wadajirka ah ee kooxaha hubeysan ee xulafada la ah ciidanka Suudaan ayaa 5-tii Oktoobar ku dhawaaqay in ciidamadooda iyo ciidanka Suudaan ay la wareegeen deegaanka Bir Saliba ee Galbeedka Daarfuur, kaddib dagaallo ay la galeen RSF.

Suudaan oo ka kooban 18 gobol, Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa gacanta ku haya dhammaan shanta gobol ee gobolka Daarfuur ee galbeedka dalka, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga iyo Galbeedka Daarfuur oo weli ku jira gacanta ciidanka Suudaan. Ciidanka Suudaan ayaa gacanta ku haya inta badan 13-ka gobol ee kale, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.

Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka dalkaas iyo RSF, kaas oo ka dhashay khilaaf ku saabsan isku-darka labada ciidan. Dagaallada ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca 13 milyan oo qof.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
In Ka Badan 2,500 oo Qof oo Ka Barakacay Tuulooyin ku Yaalla Waqooyiga Daarfuur ee Suudaan
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi ballaaran oo Soomaaliya ku matalaya Shirweynaha COP31
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab
Soomaaliya oo daraasaynaysa habka ganacsiga dijitaalka ah ee Shiinaha
Al-Burhaan iyo Taliyaha Sirdoonka DR Congo oo ka wada hadlay amniga gobolka
Ciidanka Suudaan oo la wareegay deegaan muhiim ah oo ku yaalla Galbeedka Kordofaan
Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Kalfadhigii 22-aad ee Ururka CEN-SAD ee Magaalada Tripoli
Jabuuti: Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga oo xilka la wareegay
Wasiirka Warfaafinta oo Shirweynaha Warbaahinta Adduunka Kaga Hadlay Mustaqbalka Warbaahinta Xilliga
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Dalka oo Si Rasmi ah Xilka Ula Wareegay
Soomaaliya iyo Liibiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
Masar iyo Sacuudiga oo Ku Baaqay in Diblomaasiyad Lagu Xalliyo Khilaafka Ka Taagan Gobolka
Madaxa Howlgallada Nabad-ilaalinta QM oo Sheegay in Howlgalka Abyei uu Gaaray Natiijooyin Muuqda
Kenya oo dib-u-eegis ku samaynaysa shuruudaha baasaboorka diblumaasiga si loo xalliyo muran taagan
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wadahadallo La Yeeshay Dhiggiisa Indonesia
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo Mahamade u magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Ronaldo oo shaaciyay inuu ka fariisanayo Portugal kaddib khilaaf soo dhexgalay tababaraha
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baraawe
Caleemo-saarka Galmudug: Madaxweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb