| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo daraasaynaysa habka ganacsiga dijitaalka ah ee Shiinaha
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa booqday xarumaha ganacsiga dijitaalka ah ee Yiwu, Shiinaha, si uu u daraaseeyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee horumarinta ganacsiga iyo warshadaha.
Soomaaliya oo daraasaynaysa habka ganacsiga dijitaalka ah ee Shiinaha
Soomaaliya oo daraasaynaysa habka ganacsiga dijitaalka ah ee Shiinaha / SONNA

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Ganacsiga Dijitaalka ah ee Caalamiga ah (Global Digital Trade Center) iyo wejiyada koowaad iyo labaad ee Suuqa Ganacsiga Caalamiga ah ee Yiwu, oo ku yaalla gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, horumarinta warshadaha iyo tiknoolajiyadda.

Booqashadan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, iyadoo kaashaneysa Maamulka Gobolka Zhejiang, ayaa wafdiga Soomaaliyeed siisay fursad ay ku daraaseeyaan sida tiknoolajiyadda dijitaalka ahi u beddeleyso ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay isugu xireyso wax-soo-saareyaasha, ganacsatada iyo suuqyada caalamka.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa booqashada ku wehliyay Duqa Magaalada Yiwu iyo mas’uuliyiin ka socday Waaxda Ganacsiga iyo Xafiiska Arrimaha Dibadda ee magaalada. Wafdiga ayaa warbixinno ka dhageystay maamulka xarumaha ay booqdeen, iyagoo sidoo kale indha-indheeyay sida tiknoolajiyadda casriga ah loogu adeegsanayo fududeynta howlaha ganacsiga iyo helitaanka suuqyada caalamiga ah.

Xarunta Ganacsiga Dijitaalka ah ee Caalamiga ah ee Yiwu ayaa adeegsata sirdoonka macmalka ah (AI), aaladaha ganacsiga elektaroonigga ah, nidaamyada lacag-bixinta dijitaalka ah iyo adeegyada casriga ah ee saadka iyo gaadiidka, si ay ganacsatada uga caawiso inay si toos ah ula xiriiraan macaamiisha caalamiga ah, u maareeyaan dalabaadka badeecadaha, una yareeyaan kharashaadka howlgalka.

Magaalada Yiwu, inkastoo ay leedahay kheyraad dabiici ah oo kooban, waa mid horumartay noqotayna mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu waaweyn dunida, iyadoo isku xirtay wax-soo-saarka warshadaha, suuqyada jumlada iyo tiknoolajiyadda dijitaalka ah. Magaaladu waxay xiriir ganacsi la leedahay in ka badan 230 dal iyo gobollo kala duwan oo caalamka ah.

Khibraddan ayaa Soomaaliya u noqon karta casharro ay ka faa’iideysato, iyadoo ku howlan casriyeynta qeybta ganacsiga iyo wax ka qabashada caqabadaha kaabayaasha dhaqaalaha. Suuqyada dijitaalka ah, nidaamyada lacag-bixinta elektaroonigga ah iyo horumarinta adeegyada saadka ayaa fursado cusub u abuuri kara ganacsatada iyo wax-soo-saareyaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha nool, kalluumeysiga iyo wax-soo-saarka warshadaha.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaalka shaqo ee Wasiirku ku marayo gobolka Zhejiang, waxayna daba socotaa Madashii Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya iyo Shiinaha, oo 8-dii Nofeembar lagu qabtay magaalada Yiwu, taas oo kulmisay ku dhowaad 300 oo mas’uuliyiin, maalgashadeyaal iyo wakiillo ganacsi oo ka kala socday Soomaaliya iyo Shiinaha.

XIGASHO:SONNA