Bangiga Dhexe ee Kenya oo digniin culus kasoo saaray "Ubaxyada Lacagta" iyo waxyeeleynta lacagta
Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa sharraxay in isticmaalka xabagta, biinanka, iyo agabka la midka ah ay dhaawacayaan waraaqaha lacagta, taas oo caqabad ku noqonaysa habsami u socodka qalabka lacagaha lagu maareeyo.
Bangiga Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa soo saaray ogeysiis dadweyne oo digniin ah, kaas oo ku saabsan walaac laga muujiyay caado soo badanaysa oo ah in lacagta waraaqaha ah (Shilling-ka Kenya) loo isticmaalo ujeeddooyin qurxin iyo damaashaad ah, gaar ahaan diyaarinta waxa loo yaqaanno "Ubaxyada Lacagta".
War-saxaafadeedka u Bangiga soo saaray ayaa lagu sheegay in xaalado badan lacagta la laalaabo, la duubo, la isku dhejiyo koola, cajalad, biin, ama qalab kale oo wax lagu qabto.
Ficiladan ayaa la xaqiijiyay inay halis gelinayaan tayada lacagta Shilling-ka Kenya, isla markaana ay ka dhigayaan kuwo aan ku habboonayn in suuqa lagu isticmaalo.
Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa sharraxay in isticmaalka xabagta, biinanka, iyo agabka la midka ah ay dhaawacayaan waraaqaha lacagta, taas oo caqabad ku noqonaysa habsami u socodka qalabka lacagaha lagu maareeyo.
"Difeetada la gaarsiiyo lacagta wuxuu saameeyn ku yeeshaa shaqada mashiinnada ATM-ka, kuwa lacagta tiriya, iyo qalabka kala sooca lacagaha," ayaa lagu yiri bayaanka. Tani waxay horseeddaa in mashiinnadu ay diidaan lacagtaas, taas oo sababaysa in xilligeedii ka hor suuqa laga saaro oo la beddelo, arrintaas oo kharash dheeraad ah oo laga baaqsan karay ku ah Bangiga iyo Dadweynaha.
Bangiga Dhexe wuxuu xasuusiyay shacabka in Qodobka 367 ee Xeerka Ciqaabta Kenya (Cap. 63) uu si cad u mamnuucayo in la xumeeyo, la jeexjeexo, ama la dhaawaco lacagta waraaqaha ah. Qof kasta oo si ula kac ah u xumeeya lacagta ay soo saartay hay'ad sharci ah wuxuu galayaa dambi ciqaab mudan sida uu dhigayo sharciga.
Bangigu wuxuu caddeeyay inuusan diidanayn in lacagta caddadka ah loo isticmaalo hadiyad ahaan, balse waa inaanay ku lug lahaan falal beddelaya, dhaawacaya, ama xumeynaya muuqaalka lacagta.
Waxaa dadweynaha lagula dardaarmay inay qaataan habab kale oo badbaado leh marka ay bixinayaan hadiyadaha lacagta ah.
CBK ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonto wacyigelinta dadweynaha iyo la-tashiga dhinacyada ay khuseyso si loo ilaaliyo tayada, adeegsiga, iyo kalsoonida dadweynaha ee lacagta Shilling-ka Kenya.