Wasiirka Amniga oo tababar u soo xiray dufcadda 5-aad ee Ciidanka Daraawiishta
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar usoo xiray dufcadda 5-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay tababarka dufcadda 5-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed.
Muddadii uu tababarku socday, ciidamada ayaa la siiyay aqoon iyo xirfado la xiriira anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidannimo, fulinta hawlgallada khatarta leh, maaraynta hubka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Ciidamada ayaa sidoo kale lagu tababaray bixinta gargaarka degdegga ah ee loo fidiyo askarta iyo dadka rayidka ah ee ku dhaawacma goobaha dagaalka, iyo habka ugu habboon ee ay uga hawlgeli karaan xaaladaha kala duwan ee amni.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo laguna xoojinayo awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay si hufan uga qayb qaataan sugidda amniga, ilaalinta nidaamka iyo xaqiijinta kala dambeynta.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay dhowraan sharafta iyo anshaxa ciidannimo, u hoggaansamaan sharciga, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh.