Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga ku daahfuray Qorshaha Qaranka ee Maalgashiga Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah Hindisaha Saddexaad ee Wax-ku-biirinta Qaran ee La Go'aamiyay (NDC).
Qorshahan ayaa ka kooban toddoba tiir, 27 barnaamij iyo 44 hindise maalgashi, waxaana lagu qiyaasay inuu u baahan yahay maalgelin dhan 12.8 bilyan oo doollar tobanka sano ee soo socota. Qorshuhu wuxuu ujeedkiisu yahay taageeridda horumarinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, biyaha, tamarta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaallo ballaaran ku bixisay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana ay diyaarisay qorshayaal dhammaystiran oo lagu wajahayo caqabadaha deegaanka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha, loona xoojiyo awoodda bulshooyinka ee u adkeysiga dhibaatooyinka.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Dowladda Denmark, Bangiga Adduunka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bangiga Horumarinta Afrika, iyadoo dooduhu diiradda saareen fursadaha maalgashi iyo taageerada hirgelinta qorshahan.























