Madaxa Isgaarsiinta ee Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa Isniintii si adag u cambaareeyay go’aanka Tel Aviv ay ku doonayso inay qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto ugu diiwaangeliso “hanti dowladeed” oo Israa’iil leedahay.
Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” isagoo sheegay inay “ka hor imanayso damiirka guud ee bani’aadamka isla markaana ay sii waddo siyaasadaha iyo ficillada xasuuqa ah.”
Duran ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay sii qotominayaan caddaalad darrada gobolka isla markaana si ula kac ah u beegsanayaan rajada nabadda, xasilloonida iyo ammaanka gobolka.
“Habkan oo iska indhatiraya xuquuqda taariikheed iyo tan sharci ee shacabka Falastiin isla markaana ujeedkiisu yahay in wax laga beddelo qaab-dhismeedka demoqraadi iyo kan sharci, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor istaagi doona xasillooni waarta oo gobolka ka dhalata,” ayuu ku qoray barta bulshada ee Turkiga ee NSosyal.
Wuxuu diiday “nooc kasta oo la wareegis sharci darro ah oo lagu sameeyo dhulka Falastiin,” isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mas’uuliyaddeeda si loo joojiyo “sharci darradan” loona dhiso nabad waarta oo ku saleysan xal laba dowladood ah.
“Annaga oo Turkiga ah, hoggaanka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaan sii wadi doonnaa difaaca xal caddaalad ah oo ku dhisan sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha, isla markaana aan u hiillinno qaddiyadda xaqa ah ee walaalaheen Falastiiniyiinta,” ayuu yiri.
Bayaanka ayaa yimid maalin kaddib markii dowladda Israa’iil ay ansixisay soo jeedin lagu diiwaangelinayo dhul Falastiini ah oo ku yaalla Daanta Galbeed inuu noqdo “hanti dowladeed.”
Warbaahinta dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in soo jeedinta ay gudbiyeen Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich, Wasiirka Caddaaladda Yariv Levin iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz.
Falastiiniyiintu waxay tallaabooyinkan u arkaan hordhac ku wajahan ku biirinta rasmi ah ee Daanta Galbeed iyo tallaabo lagu xaqiijinayo ku daris dhab ah oo lagu sameeyo qaybo ballaaran oo dhulkaas ka mid ah, taasoo ay sheegeen inay wiiqeyso qaab-dhismeedka xal laba dowladood ah oo ay Qaramada Midoobay taageertay.





















