Dooxa: Al-Burhan iyo Amiir Tamiim oo wada-hadallo yeeshay
Wadahadalladan oo lagu tilmaamay kuwo heer sare ah, ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka xiriirka Suudaan iyo Qatar
Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani iyo Guddoomiyaha Golaha KMG ah ee Madaxbannaanida Suudaan, Jeneral Cabdifataax Al-Burhan, ayaa maanta kulan ay albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Qasriga Diiwaanka Amiirka ee magaalada Dooxa.
Wadahadalladan oo lagu tilmaamay kuwo heer sare ah, ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka xiriirka Suudaan iyo Qatar, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, xilli Suudaan ay u baahan tahay taageero dhaqaale iyo mid amni.
Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo celiyo amniga iyo xasilloonida Suudaan, iyadoo hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed iyo qaranimada dalkaas.
Jeneral Al-Burhan ayaa uga mahadceliyay Qatar "soo dhoweynta diirran iyo garab-istaagga joogtada ah," isagoo xaqiijiyay in Khartoum ay ka go'an tahay inay horumariso iskaashiga ay la leedahay Dooxa ee dhinacyada mudnaanta leh. Dhankiisa, Amiir Tamiim ayaa rajo ka muujiyay in booqashadani ay fure u noqoto bog cusub oo iskaashi ballaaran ah.
Waxa kulankan ka dhigay mid xasaasi ah waa heerka mas'uuliyiinta ka qaybgalay oo isugu jiray madaxda ugu sarreysa ee amniga, sirdoonka, iyo dhaqaalaha labada dal.
Dhanka Suudaan waxaa goobjoog ahaa Dr. Jibriil Ibraahim: Wasiirka Maaliyadda, Jeneral Axmed Ibraahim Mufaddal: Agaasimaha Guud ee Sirdoonka (GIS), Danjire Muxyadiin Saalim: Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Aamina Mirghani: Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Suudaan, Danjire Badreddin Cabdullaahi: Safiirka Suudaan ee Qatar.
Dhanka Qatar waxaa ku sugnaa: Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan: Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali bin Axmed Al-Kuwari: Wasiirka Maaliyadda, Khalfan bin Cali Al-Kaabi: Madaxa Hay’adda Amniga Qaranka (State Security Agency) iyo Cabdullaahi bin Maxamed Al Khulaifi: Madaxa Diiwaanka Amiirka.