| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay ka gudbay marxaladdii kumeel-gaarka ahayd”
MW Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in kumeel-gaarnimadu ay noqotay dabar sharciyadeed oo hor istaagay in dalku gaaro xasillooni buuxda, iyadoo caqabadahaas ay saameyn xun ku yeesheen amniga, dhaqaalaha, iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay ka gudbay marxaladdii kumeel-gaarka ahayd”
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay ka gudbay marxaladdii kumeel-gaarka ahayd” / Villa Somalia - Meta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhowaaqay in dalku uu si rasmi ah uga baxay marxaladdii kumeel-gaarka ahayd, isagoo dhammaystirka dastuurka ku tilmaamay “curasho cusub” oo u dhalatay qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa xusay in kumeel-gaarnimadu ay muddo dheer caqabad ku ahayd hufnaanta dowladnimada, horumarka dhaqaalaha, iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo ku suntan gabagabaynta rasmiga ah ee marxaladdii kumeel-gaarka ahayd ee muddada dheer soo jiitamaysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in kumeel-gaarnimadu ay noqotay dabar sharciyadeed oo hor istaagay in dalku gaaro xasillooni buuxda, isagoo carrabka ku adkeeyey in caqabadahaas ay saameyn xun ku yeesheen amniga, dhaqaalaha, iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu u adeegsaday ereyga “Naalloonayso” si uu u sifeeyo hammiga dalku u leeyahay inuu ku dhex jiro ammaan iyo deganaansho sugan.

Wuxuu xusay in dastuurka cusub uu yahay heshiis bulsho oo xaddi doona awoodda siyaasiga, isla markaana dejinaya xuduud aan laga gudbi karin si looga fogaado nidaam kasta oo bannaanka ka ah sharciga.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu lafo-guray qodobbada xasaasiga ah ee khuseeya maamulka khayraadka dabiiciga ah iyo midaynta canshuuraha dalka, si loo hubiyo koboca dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu xoogga saaray sugidda awoodaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si looga fogaado is-jiid-jiid siyaasadeed, isagoo ku baaqay diyaar-garowga hannaanka doorasho ee dadweynuhu ay si toos ah u codaynayaan, kaas oo ku dhisan saldhig dastuuri ah oo sugan.

Madaxweynuhu wuxuu ammaanay doorka golaha shacabka iyo kan aqalka sare, isagoo ku sifeeyey geedi-socodka mid furan oo dhex-dhexaad ah, isla markaana meesha ka saaray in dastuurka loo beddelay dano shakhsi ah.

Wuxuu caddeeyey in dastuurkani uusan u qornayn inuu isaga u hiiliyo, balse loo qoray inuu ummadda Soomaaliyeed u hiiliyo.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba inay ilaashadaan dastuurka, isagoo ku boorriyey in wixii tabasho ah lagu xalliyo hannaanka sharciga ah, halkii loo bixi lahaa heshiisyo bannaanka ka ah nidaamka dawladnimo.

Raadi Warar Kale
Qorshe lagu maalgelinayo qalabka beeraha Soomaaliya oo Muqdisho looga arrinsaday
Marwada Koowaad Sahro Cumar Xasan oo Booqasho ku Tagtay Xarunta Daryeelka Carruurta Agoonta ah
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kulan Lagu Xoojinayo Taageerada Xabsiyada la yeeshay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Deegaanka XFS oo Ka Qaybgalay Madasha Afrika ee Horumarka Waara: Itoobiya
Soomaaliya oo Daahfurtay Mashruuca Bulsho ee Xoojinta Maamul Wanaagga iyo Dhismaha Nabadda
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Saddex ganacsade oo lagu toogtay bartamaha magaalada Johannesburg xilli ay quraacanayeen
QM oo si kulul u cambaaraysay weerarrada salka ku haya ajnabi-nacaybka ee Koonfur Afrika
Soomaaliya iyo ASYAD oo Ka Wadahadlay Iskaashi Istaraatiiji ah oo Ku Saabsan Dekedaha iyo Saadka
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Soomaaliya & QM oo Muqdisho ka daah-furay wajiga 2aad ee mashruuca ilaalinta iyo nabadeynta haweenka
Xarunta Baarlamaanka Minnesota oo martigelisay Maalinta Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kala hadlay nidaamka qof iyo cod
Diyaaradda Madaxweynaha Israa’iil Herzog oo gashay wareeg dheer kadib diidmo uga timi hawada Turkiga
Soomaaliya oo Horumarinaysa Dadaallada Maalgashiga Duulista Hawada
Shir-madaxeedka Caafimaadka qaaradda Afrika oo ka furmay Nairobi
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga TURKSOM
Soomaaliya iyo Cumaan oo Horumarinaya Iskaashi Maalgashi oo Istaraatiiji ah
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta
Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya xiriirkooda istaraatiijiga ah