Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo iscasilay

Marxalad kala guur siyaasadeed ayaa ka bilaabatay dowlad goboleedka kadib markii wasiirka maaliyadda loo magacaabay madaxweyne ku-meelgaar ah.

By
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay iscasilaaddiisa, / Social Media

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay iscasilaaddiisa, saacado kadib markii ciidamada federaalka ay si buuxda ula wareegeen magaalada Baydhabo, taasoo bilow u noqotay marxalad kala guur ah oo ay hoggaaminayso dowladda dhexe.

“Aniga oo ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Maarso 30, 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,” ayuu Laftagareen ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Dowlad Goboleedka ayaa galay marxalad kala guur ah kadib markii Wasiirka Maaliyadda, Axmed Maxamed Xuseen, loo magacaabay madaxweyne ku-meelgaar ah sida ku cad wareegto rasmi ah.

Ku dhawaaqista ayaa timid kadib markii ciidamada federaalka ay Isniintii galeen magaalada Baydhabo, iyagoo si buuxda ula wareegay magaalada, taasoo bilow u noqotay isbeddel siyaasadeed.

Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa soo dhaweysay isbeddelka ka socda Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqday dadka degaanka inay muujiyaan deggenaansho iyo midnimo.

“Shacabka Koonfur Galbeed ayaa la wareegay Baydhabo, taasoo muujineysa baahida loo qabo isla xisaabtan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an xasilloonida, ilaalinta nolosha iyo hantida, iyo in aan la oggolaan doonin wax aargoosi ama ciqaab ah,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Muqdisho ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay in aan la oggolaan doonin falal aargoosi ah, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nolosha iyo hantida inta lagu jiro marxaladdan siyaasadeed ee xasaasiga ah.