Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubbad, markii uu soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Mas’uuliyiintii qaabilaysay danjiraha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud.
Danjire Cismaan Dubbad ayaa hore u soo noqday taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta Sector 4 ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, oo hadda hoos yimaada Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa si weyn loogu yaqaanay magaca “Hiil-Walaal,” taas oo ka tarjumaysa iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada amniga iyo xasillinta.
Mas’uuliyiintu waxay ku tilmaameen magacaabista danjiraha tallaabo lagu sii xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.























