| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Magacaabista Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa timid Isniintii, Oktoobar 27, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu u magacaabay hoggaaminta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS Prof. Saalim Caliyow Ibrow / User Upload

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa maanta si rasmi ah xilka loogu dhaariyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa.

Dhaarinta Wasiirka waxaa bixiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullahi Xasan.

Munaasabadda dhaarinta, oo ahayd mid xushmad leh, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdulahi Cumar Abshirow.

Magacaabista Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa timid Isniintii, Oktoobar 27, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu u magacaabay hoggaaminta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabistan la sameeyay iyada oo la tixgelinayo mas'uuliyadaha culus iyo shaqooyinka socda ee wasaaraddu ay hayso.

Khibradda wasiirka cusub

Prof. Saalim Caliyow Ibrow waxa uu xilka cusub ku keenayaa khibrad ballaaran oo dowladnimo. Waa oday-siyaasi oo soo qabtay xilal sarsare, isaga oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000.

Intii u dhaxaysay horraantii 2000-meeyadii ilaa 2015, Prof. Saalim wuxuu soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiir wasaarado kala duwan oo muhiim ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistiisa hadda waxay calaamad u tahay ku soo laabashada shaqada dowladda ee xil muhiim ah oo diiradda saaraya horumarinta shaqaalaha, shaqo abuurka, iyo arrimaha bulshada.

Isla markii magacaabista la sameeyay, Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yusuf Maxamed, ayaa soo diray farriin mahadnaq iyo dardaaran ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda Qaranka oo igu aaminey fursad aan ugu adeego Qarankeyga iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Yuusuf. Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray: “Xilku waa meerto, waana sharaf weyn ah inaan qayb ka noqday dadaallada lagu horumarinayo dalka.”

Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf ayaa sidoo kale u hambalyeeyay beddelkiisa:

“Sidoo kale, waxaan u hambalyaynayaa Md. Prof. Saalim Caliyow Ibarow, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, anigoo u rajeynaya guul, horumar, iyo in Allah u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.” Ayuu bartiisa Facebook-ga ku qoray.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey