Suudaan: Weerar loo adeegsaday drone oo ka dhacay suuqa Waqooyiga Kordofan oo lagu dilay 28 qof
Tirada dhimashadu waa mid hordhac ah, waxaana suuragal ah inay korodho maadaama weerarku dhacay xilli suuqa ay ku sugnaayeen dad fara badan oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad waayeel ah, sida ay sheegtay koox maxalli ah.
Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay, tobannaan kalena way ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday diyaarad drone ah oo lagu qaaday suuq ku yaalla deegaanka Al-Saffiya ee gobolka Waqooyiga Kordofan ee koonfurta Suudaan, sida ay Isniintii sheegtay koox maxalli ah.
Bayaan ay soo saartay kooxda Qareennada Degdegga ah (Emergency Lawyers) oo diiwaangelisa xadgudubyada xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in diyaarado drone ah ay ku dhufteen suuq ku yaalla waqooyi-bari degmada Sodari, iyadoo la xusay in tirada dhimashadu ay tahay mid hordhac ah oo laga yaabo inay korodho maadaama weerarku dhacay xilli suuqa ay ku sugnaayeen dad badan oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad waayeel ah.
Kooxdu waxay cambaareysay weerarka, iyagoo ku tilmaamay “xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada,” isla markaana wiiqaya mabda’a ilaalinta rayidka inta lagu jiro colaadaha hubeysan.
Weerarada loo adeegsado drone-ka
Bayaanka ayaa ka digay in adeegsiga soo noqnoqda ee diyaaradaha drone-ka ee lagu beegsanayo goobaha ay dadku ku badan yihiin uu muujinayo “koror colaadeed” oo halis gelinaya badbaadada rayidka iyo nolosha maalinlaha ah ee gobolka, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan inay joojiyaan weerarada drone-ka, kana waantoobaan bartilmaameedsiga kaabayaasha rayidka, isla markaana u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Bayaanku laguma sheegin cidda ka dambeysay weerarka drone-ka.
Arrintan ayaa timid xilli Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ay subaxnimadii Isniinta sheegtay in ciidamada hubeysan ee Rapid Support Forces (RSF) ay dileen saddex qof, toddobo kalena ku dhaawaceen weerar fiidkii Axadda lagu qaaday Isbitaalka Al Mazmoum ee gobolka Sennar ee koonfur-bari Suudaan.
Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku jirtay dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamada RSF, kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, barakicinta ku dhawaad 13 milyan oo qof, isla markaana abuuray mid ka mid ah qalalaasaha bani’aadannimo ee ugu xun dunida, sida ay sheegayaan warbixinnada Qaramada Midoobay.