Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay wada daneynayaan waxayna sahamiyeen waddooyin lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah.
Soomaaliya ayaa markale taageerada mabda’a shiinaha oo hal ah, iyadoo aqoonsan Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha inay tahay dowladda keliya ee sharciyeysan ee Shiinaha, u aragta Taiwan inay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha, kana soo horjeedda nooc kasta oo “madax-bannaanida Taiwan” ah.
Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Soomaaliya ay uga mahadcelinayso taageerada joogtada ah ee Shiinaha uu ku bixiyo dadaallada dhismaha dowladnimada dalka, wuxuuna uga mahadceliyay Beijing taageeradeeda joogtada ah ee madaxbannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliya.























