| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya, QM iyo UNICEF oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Ilaalinta Carruurta ay Saameeyaan Colaadaha
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF si loo ilaaliyo carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.
Soomaaliya, QM iyo UNICEF oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Ilaalinta Carruurta ay Saameeyaan Colaadaha
Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo UNICEF oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Ilaalinta Carruurta ay Saameeyaan Colaadaha Hubeysan

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Axaddii kulan la yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isuduwaha Arrimaha Bani’aadantinimada, George Conway, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Lattouf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF si loo ilaaliyo carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo Siyaasadda Qaran ee Soomaaliya ee Ilaalinta Rayidka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay samaynta hannaan isku-duwan oo lagu soo sheego, lagu diiwaangeliyo laguna kormeero eedeymaha ku saabsan xadgudubyada, iyadoo la hubinayo in jawaabaha Dowladda Soomaaliya iyo tallaabooyinka la taaban karo ee ay qaaddo si sax ah uga muuqdaan warbixinnada khuseeya ee Qaramada Midoobay. Waxay sidoo kale ka wada hadleen dardargelinta hirgelinta Qorshaha Waxqabadka Qaranka ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay horumarka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, isagoo xusay in ciidamada qalabka sida ay u hawlgalaan si waafaqsan siyaasadaha qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta rayidka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay iyo UNICEF iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna dib u xaqiijiyey sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay xoojinta isku-duwidda hay’adaha ay khusayso si loo sii adkeeyo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyaan colaadaha hubeysan.

XIGASHO:SONNA