QM: Ugu yaraan 40 qof oo lagu dilay weerar lala beegsaday dad tacsi dhigayey oo ku sugan Suudaan
Weerarkan ayaa yimid xilli maleeshiyaadka RSF ay u muuqdeen inay u diyaar garoobayaan weerar ay ku qaadaan magaalada, iyadoo ciidanka militariguna ay isku urursanayeen si ay isaga caabbiyaan.
Weerar lagu qaaday dad tacsi dhigayey oo ku sugnaa magaalada muhiimka ah ee Al-Obeyd ee gobolka Kordofaan ee bartamaha Suudaan ayaa lagu dilay 40 qof, sida uu sheegay xafiiska bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay.
War-saxaafadeedka Qaramada Midoobay ma uusan cayimin maalinta uu weerarku dhacay iyo cida ka dambaysay toona, balse wuxuu ku soo beegmay xilli ay maleeshiyaadka RSF ay u muuqdeen kuwo u diyaar garoobaya inay weerar ku qaadaan magaalada, iyadoo ciidamada militariga qarankuna ay isku urursanayeen si ay isaga caabbiyaan.
Xafiiska Isku-dubbaridka Arrimaha Bini'aadantinimada (OCHA) ayaa Arbacadii ku warramay in xaaladda ammaanka ee gobolka Kordofaan ay sii xumaanayso. Saddexda gobol ee Kordofaan — Waqooyi, Galbeed, iyo Koonfur — ayaa maalmahan wajahay dagaallo culus oo dhex maray ciidanka Suudaan iyo maleeshiyaadka RSF.
Kooxda RSF ayaa sidoo kale 26-kii Oktoobar qabsatay magaalada Al-Faashir, caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, waxayna halkaas ka geysteen xasuuq shacab, sida ay sheegeen hay'ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.
Tani waxay dhalisay digniino ah in la wareegidda magaaladaas ay sii xoojin karto kala qaybsanaan juquraafi ah oo ku timaadda dalkaas dagaalladu la degeen.
Tan iyo bishii Abriil 2023, ciidanka militariga Suudaan iyo RSF waxay ku dhex jireen dagaal sokeeye, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof, kuna barakaceen malaayiin kale, uuna horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun caalamka.