NCA iyo BTK Turkiga oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga isgaarsiinta danabaysan
Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday xarunta BTK ee Ankara, waxaana saxiixay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, iyo Guddoomiyaha Guddiga iyo Madaxweynaha BTK, Ömer Abdullah Karagözoğlu.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ee Soomaaliya iyo Hay’adda Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta (BTK) ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa kala saxiixday Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinaca isgaarsiinta elektaroonigga.
Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday xarunta BTK ee Ankara, waxaana saxiixay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, iyo Guddoomiyaha Guddiga iyo Madaxweynaha BTK, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu. Is-afgaradku wuxuu dhigayaa qaab-dhismeed iskaashi oo ku saabsan arrimo muhiim ah oo ay wadaagaan labada dhinac, oo ay ka mid yihiin nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga internet-ka (cybersecurity), maareynta hirarka isgaarsiinta (spectrum), ballaarinta kaabayaasha broadband-ka, amniga iyo adkeysiga shabakadaha isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo dhinacyo kale oo sharciyeed oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda saxiixa, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu ayaa muujiyay aragtida ballaaran ee iskaashigan, isagoo yiri:
“Iskaashigan waxaan ku doonaynaa inaan dhiirrigelino is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaaminta iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan, si aan u taageerno waaxyo isgaarsiineed oo adkeysi leh oo mustaqbalka u jihaysan, kana jira Turkiga iyo Soomaaliya.”
Dhankiisa, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee heshiiskan u leeyahay waaxda isgaarsiinta Soomaaliya, isagoo xusay:
“Heshiiskani wuxuu xoojinayaa iskaashiga hay’adeed ee u dhexeeya NCA iyo BTK, wuxuuna taageerayaa dhismaha awoodda, is-weydaarsiga aqoonta iyo horumarinta qaab-dhismeedyada sharciyeed, taasoo gacan ka geysanaysa kobaca iyo casriyeynta waaxda isgaarsiinta Soomaaliya.”
Kaddib saxiixa, Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa ayaa la yeeshay BTK iyo hay’ado kale oo Turkiga ah kulammo farsamo iyo is-weydaarsi khibradeed. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray habraacyada nidaaminta, amniga internet-ka, ilaalinta macaamiisha iyo maamulidda internet-ka, iyagoo sii xoojinaya hirgelinta wax ku oolka ah ee is-afgaradka.
Heshiiskan ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waaxda isgaarsiinta elektaroonigga ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo iskaashi caalami ah, xoojinta hay’adaha iyo qaadashada hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee caalamiga ah.