Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda, oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, si ay uga wada hadlaan wax-ka-beddellada la soo jeediyay ee Sharciga Bangiga Dhexe ee Lr. 130 ee sanadkii 2012.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa diiradda lagu saaray sidii mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda looga heli lahaa faahfaahin iyo caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan wax-ka-beddellada la soo jeediyay, gaar ahaan ereybixinta lagu adeegsaday qabyo-qoraalka sharciga.
Wadahadallada ayaa looga gol lahaa in xubnaha guddiga la siiyo xog iyo faham ku filan oo ka caawinaya dib-u-eegista, sixitaanka iyo hagaajinta wax-ka-beddellada la soo jeediyay, taas oo qeyb ka ah gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Aqalka Sare.























