Dowladda Aljeeriya ayaa go’aansatay in ay kordhiso tirada deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, iyadoo labada dal ay xoojinayaan iskaashigooda dhinacyada tacliinta, dhaqanka, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Go’aankan ayaa shaaca laga qaaday intii uu socday kulan diblumaasiyadeed oo Isniintii xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algiers ku dhexmaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya u qaabilsan qurba-joogta, Mudane Sofiane Chaib.
Labada mas’uul ayaa kulankooda si qotodheer ugu lafaguray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqanka iyo tacliinta. Waxa ay sidoo kale dul istaageen fursadaha muhiimka ah ee leysku weydaarsan karo khibradaha iyo kheyraadka, gaar ahaan waaxyaha macdanta iyo kalluumeysiga.
Sida lagu xusay bayaan kasoo baxay kulanka, iskaashigan ayaa salka ku haya taageeridda koboca dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta ka-faa’iideysiga waara ee kheyraadka dabiiciga ah ee labada waddan.
Kordhinta tirada deeqaha waxbarasho ee laga dhigay 100-ka, ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu taageero tacliinta sare, laguna horumariyo khibradaha cilmiyeed iyo aqooneed ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa si dhab ah uga turjumaysa dadaallada ay labada dowladood ku doonayaan in ay ku qoto-dheereeyaan xiriirkooda laba-geesoodka ah, isla markaana ay ugu gogol-xaaraan iskaashiyo cusub oo mustaqbalka ah.























