Ugu yaraan 17 muwaadin oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil doon oo ka dhacay badda u dhexeysa dalalka Aljeeriya iyo Spain, xilli ay isku dayayeen in ay u tahriibaan qaaradda Yurub, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan, oo Khamiistii la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in dhibbanayaasha ay isugu jiraan 12 rag ah iyo 5 dumar ah. Danjiraha ayaa xusay in ay soo waceen waalidiin walaacsan oo baadi-goobaya xogta eheladooda maqan, kaddib markii ay waayeen halka ay jaan iyo cirib dhigeen carruurtoodii.
Kaddib xiriir uu la sameeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf ayaa lagu wargeliyay in tahriibayaal Afrikaan ah ay ku geeriyoodeen gobol xeebeed qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed kaga beegan caasimadda Algiers.
Danjiraha ayaa aroornimadii hore ee Khamiista safar ku tagay magaalada Bou Ismail, isagoo booqday laba isbitaal oo ku yaalla gobolkaas, halkaas oo uu ku soo arkay isla markaana ku xaqiijiyay meydadka dhallinyaradan Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa dhacdadan xanuunka badan xaqiijiyay, isagoo xusay in hay’addu ay hayso sawirrada dhalinyarada ku geeriyootay shilkan. Wuxuu ugu baaqay ehelada ka shakisan in carruurtoodu ay saarnaayeen doontaas in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan lambarka gaaban ee gurmadka ee 449 si ay u helaan xog buuxda.
Marin biyoodka u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Spain ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu halista badan ee ay adeegsadaan tahriibayaasha isku dayaya in ay gaaraan Yurub, iyagoo inta badan raaca doonyo ka samaysan bac kuwaasoo aad loo raro aanna u adkaysan karin hirarka badda.
Dhacdooyinka doonyaha qallibma ayaa si joogto ah uga dhaca marinnada galbeedka badda Mediterranean-ka iyo badweynta Atlaantigga, halkaas oo kumanaan qof ay sannad walba naftooda ku biimeeyaan.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa qayb weyn ka ah tahriibayaasha qaada safarradan halista ah, waxaana inta badan ku riixa duruufo ay ka mid yihiin xaalado ammaan, fursado dhaqaale oo xaddidan, iyo abaaraha soo noqnoqda ee ka jira dalka.
Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta dalka Aljeeriya ma aanay soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan musiibadan, oo ay ku jirto tirada guud ee dadka doonta saarnaa markii hore iyo sababta rasmiga ah ee keentay in doontu degto.























