| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta oo Kormeeray Tiyatarka Qaranka iyo Hawlaha Diyaargarowga Toddobaadka Xorriyadda
Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa daawaday tababarrada iyo bandhigyada faneed ee ay wadaan Fannaaniinta Kooxda Qaranka ee Waabari, kuwaas oo diyaarinaya riwaayado, heeso iyo bandhigyo farshaxan oo lagu soo bandhigi doono xuska maalmaha qaran
Wasiirka Warfaafinta oo Kormeeray Tiyatarka Qaranka iyo Hawlaha Diyaargarowga Toddobaadka Xorriyadda
Wasiirka Warfaafinta oo Kormeeray Tiyatarka Qaranka iyo Hawlaha Diyaargarowga Toddobaadka Xorriyadda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Isniintii booqday Tiyaatarka Qaranka si uu u qiimeeyo heerka uu marayo diyaar-garowga munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda ee dalka.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa daawaday tababarrada iyo bandhigyada faneed ee ay wadaan Fannaaniinta Kooxda Qaranka ee Waabari, kuwaas oo diyaarinaya riwaayado, heeso iyo bandhigyo farshaxan oo lagu soo bandhigi doono xuska maalmaha qaran.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta diyaar-garowga heesaha waddaniga ah iyo bandhigyada dhaqameed ee loo qorsheeyay munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, iyadoo fannaaniinta iyo jilayaasha ay sare u qaadeen dadaallada ay ugu diyaar garoobayaan dabaal-degyada qaran.

Wasiir Cabdifataax ayaa ku ammaanay fannaaniinta, abwaannada, iyo shaqaalaha farsamada dadaalka ay ku bixinayaan soo saarista farriimaha wacyigelinta iyo heesaha waddaniga ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan kor u qaadidda dhaqanka Soomaaliyeed iyo xusuusinta halgankii dheeraa ee lagu gaaray xorriyadda dalka.

Wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda barnaamijyada dhaqanka iyo fanka ee xoojinaya midnimada qaranka, isla markaana xusaya taariikhda, halganka, iyo aqoonsiga ummadda Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA