In ka badan 1,400 oo qof ayaa ka barakacay deegaanka Al-Jamama ee gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan kadib markii xaaladda amni ay sii xumaatay weerar lagu eedeeyay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), sida ay Khamiistii sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
War-saxaafadeed ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Barnaamijkeeda Dabagalka Barakaca (Displacement Tracking Matrix) uu diiwaangeliyay barakaca ku dhowaad 1,430 qof oo ka soo barakacay deegaanka Al-Jamama ee degmada Sudri, oo dhanka galbeed kaga taalla magaalada Bara, Arbacadii.
Hay'addu waxay sheegtay in qoysaska barakacay ay u guureen deegaanno kale oo ka tirsan degmada Sudri iyo sidoo kale deegaanno ku yaalla degmada deriska la ah ee Bara ee gobolka Waqooyiga Kordofan.
IOM ayaa sheegtay in xaaladda amni ay weli tahay "mid kacsan oo si degdeg ah isu beddeleysa," isla markaana ay si dhow ula socoto isbeddelka xaaladda.
Warbixintan ayaa timid maalin kadib markii Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan, oo ah koox caafimaad oo maxalli ah, ay sheegtay in sagaal qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba haween ah, lagu dilay halka 14 kalena lagu dhaawacay weerar ay RSF ku qaaday deegaanka Al-Jamama.
Shabakaddu waxay sheegtay in weerarka la fuliyay kadib markii dadka deegaanka lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Ciidanka Suudaan. Waxay sidoo kale sheegtay in si baahsan loo bililiqeystay suuqa deegaanka, xarunta caafimaadka iyo hanti kale oo rayidku leeyahay, taasoo sababtay barakac ballaaran.
RSF weli wax faallo ah kama bixin eedeymaha loo jeediyay.
Gobollada Waqooyiga, Galbeedka iyo Koonfurta Kordofan waxaa ka socday dagaallo joogto ah oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo RSF tan iyo bishii Oktoobar 2025.
Suudaan waxaa tan iyo bishii Abriil 2023 ka socday dagaal u dhexeeya Ciidanka Qalabka Sida iyo RSF, kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca ku dhowaad 13 milyan oo kale, sida ay qiyaaseen Qaramada Midoobay iyo hay'adaha caalamiga ah.























