Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirka Labaad ee Hay'adda Aqoonsiga Qaranka
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), shacabka hore u isdiiwaangeliyay, iyo khubarada farsamada ee ka shaqeynaya horumarinta kaabayaasha aqoonsiga dijitaalka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii si rasmi ah u soo xiray Shirkii Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025) oo lagu qabtay Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ammaanay horumarka laga gaaray dhismaha nidaamka mideysan ee aqoonsiga dijitaalka ah ee dalka. Shirka oo socday laba maalmood ayaa isku keenay hay’adaha dowladda, khubaro iyo qaybaha bulshada si loo falanqeeyo guulaha iyo talaabooyinka xiga ee hirgelinta Aqoonsiga Qaranka.
Dhanka kale wuxuu bogaadiyay shaqada Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), shacabka hore u isdiiwaangeliyay, iyo khubarada farsamada ee ka shaqeynaya horumarinta kaabayaasha aqoonsiga dijitaalka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay baahida loo qabo in nidaamyada qaran la waafajiyo heerarka caalamiga ah, maadaama Soomaaliya ay u socoto dhammaystirka dastuurka iyo doorasho qof iyo cod ah.
“Dalkaan Soomaaliya ayaa la dhahaa waxaana leh Muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri. “Muwaadin qaado Kaarka aqoonsiga NIRA, maanta waa fudud yahay, waxaa imaan doonta xilli la’aantiisa noloshu istaagi doonto, aan la jaan qaadno dunidan casriga ah, Dalkaan 35 ka hor halkuu joogay ma sii joogayo, dastuur, doorasho qof iyo cod, waa inaan ku dhaqannaa qawaaniinta caalamiga ah, una noolaanaa sida adduunyada kale looga nool yahay.”
Madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan hay’adaha dowladda inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta talooyinka shirka kasoo baxay, isaga oo adkeeyay muhiimadda ah in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu helo Aqoonsiga Qaranka. Wuxuu xusay in isdiiwaangelinta ballaaran ay xoojin doonto kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah, isla markaana ay adkayn doonto midnimada qaran.