| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Danjiraha Soomaaliya ee Yemen oo Xadramout kula kulmay bulshada Soomaaliyeed
Khudbad kooban oo uu ka jeediyay kulanka, Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ku celiyay in safaaraddu ay ka go’an tahay taageeridda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda iyo hubinta inay helaan adeegyada muhiimka ah.
Danjiraha Soomaaliya ee Yemen oo Xadramout kula kulmay bulshada Soomaaliyeed
Danjiraha Soomaaliya ee Yemen oo Xadramout kula kulmay bulshada Soomaaliyeed / User Upload
6 saacadood ka hor

Dajiraha Safaaradda Soomaaliya ee Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa gaaray gobolka Xadramout ee Yemen, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu booqashada ku jiray, Danjiraha ayaa ka qayb galay munaasabad Afur ah oo ay soo qabanqaabisay bulshada Soomaaliyeed, taasoo fursad u noqotay in la is dhaafsado aragtiyo ku saabsan xaaladda dalka iyo arrimaha la xiriira muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Yemen.

Khudbad kooban oo uu ka jeediyay kulanka, Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ku celiyay in safaaraddu ay ka go’an tahay taageeridda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda iyo hubinta inay helaan adeegyada muhiimka ah.

“Waxaan mataleynaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay inaan meel kasta ku qaabilno muwaadiniinta Soomaaliyeed si loo fududeeyo adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.”

Danjiraha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in gobolka Xadramout dhawaan laga bilaabi doono bixinta baasaboorrada Soomaaliya iyo dukumiintiyada kale ee muhiimka ah ee loogu talagalay xubnaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Yemen, tallaabadaas oo la filayo inay fududeyso helitaanka adeegyada dowladda.

Munaasabadda Afurka waxaa soo qabanqaabisay Marwo Suleeq Cumar Cali, oo ka shaqeysa isku dubbaridka arrimaha bulshada, gaar ahaan hawlaha bulshada iyo hindisayaasha lagu xoojinayo horumarinta bulshada.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Baxreyn oo sheegtay inay qabatay 102 gantaal oo Iiraan laga soo riday iyo 173 oo diyaarado drones ah
Shiinaha oo markale ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida dalalka colaadda Bariga Dhexe awgeed
Soomaaliya oo soo bandhigtay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka ee dalka
Trump oo sheegay in dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan uu gebagabo ku dhow yahay
Masar oo ku baaqday in la sameeyo ciidan Carbeed oo wadajir ah si looga hortago hanjabaadaha Iiraan
Israa'iil oo duqeymo ay ka fulisay Lubnaan ku dishay 26 qof, kuna dhaawacday 33 kale
Soomaaliya oo qabatay hoggaanka Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika
Dawladda Kenya oo sheegtay in tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Kenya ay gaartay 42 ruux
Iiraan oo Mojtaba, wiilka Khamenei, u magacowday hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Dastuurka cusub ee dalka
Xisbullah oo sheegtay 8 weerar oo lagu qaaday goobo milatari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil
Booliska Kenya oo 70 qof oo ajnabi ah soo badbaadiyay hawlgal ka dhan ah ka ganacsiga dadka: Nairobi
Israa’iil oo ku hanjabtay inay u burburin doonto caasimadda Lubnaan sida Khan Younis, Qaza
Shiinaha oo ka digay in dagaalka Iiraan uu ku fidi karo gobolka kadib weerarkii Azerbaijan
Mareykanka oo Ukraine ka codsaday gargaar ku saabsan difaaca drones-ka ee Bariga Dhexe: Zelenskyy
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dastuurka cusub aan loogu talagelin inuu xoojiyo xukunkiisa
Sacuudi Carabiya oo qabatay 3 gantaal oo ku wajahnaa Saldhigga Ciidanka Cirka ee Amiir Sultan
Soomaaliya iyo Roomaaniya oo xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay ka gudbay marxaladdii kumeel-gaarka ahayd”
Israa'iil oo duqeymo cirka ah ku beegsatay Lubnaan iyagoo ku dhacay xaafadaha koonfureed ee Beyruut