| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Eriteriya oo xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Itoobiya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eriteriya ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda xiriirka bulshada ee X ku sheegtay inaysan haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay Itoobiya kaga jawaabto tallaabo la mid ah
Eriteriya oo xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Itoobiya
Calamada Itoobiya iyo Eritrea oo ku suran waddooyinka Addis Ababa. / Reuters

Dowladda Eriteriya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay gabi ahaanba xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya, iyadoo tallaabadan kaga jawaabaysa go’aan ay xukuumadda Addis Ababa dalkeeda uga cayrisay 10 diblumaasi oo u dhashay Eriteriya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eriteriya ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda xiriirka bulshada ee X ku sheegtay inaysan haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay Itoobiya kaga jawaabto tallaabo la mid ah.

“Eriteriya ma haysato doorasho kale oo aan ka ahayn inay si la mid ah uga jawaabto oo ay jarto dhammaan xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya, iyadoo ay la socdaan dhammaan cawaaqibta taban ee arrintaasi leedahay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xukuumadda Asmara.

Cayrinta Diblumaasiyiinta iyo Eedeymaha Itoobiya

Go’aanka Eriteriya ayaa yimid saacado uun kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay Khamiistii bayaan ay soo dhigtay barta Facebook ugu dhawaaqday in 10 diblumaasi oo Eritrean ah oo ku sugnaa Addis Ababa ay yihiin “shakhsiyaad aan dalka laga rabin” (Persona non grata), iyadoo u qabatay muddo ay dalka uga baxaan.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay go’aankan qaadatay kaddib markii diblumaasiyiintaas lagu helay inay ku lug lahaayeen falal ay ku tilmaamtay kuwa “khatar toos ah” ku ah amniga qaranka Itoobiya.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa shaacisay inay xirayso safaaraddeeda ku taalla magaalada Asmara ee caasimadda Eriteriya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa xiritaanka safaaraddeeda ku sabameysay inay tahay “jawaab u ah falalka cadaawadeed iyo kuwa colaad-hurinta ah ee tooska iyo dadbanba leh ee ay Eriteriya kula kacayso Itoobiya.”

Go’aannadan is-daba-joogga ah ee ay qaateen labada xukuumadood ayaa horseeday in xiriirkii diblumaasiyadeed ee Addis Ababa iyo Asmara uu gabi ahaanba istaago, taas oo weji cusub u yeelaysa xiisadda siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

XIGASHO:TRT Afrika and agencies
Raadi Warar Kale
5 Qof oo Dhintay, 47 Kalena ku Dhaawacmay Weerar RSF ka Fuliyey Hoyga Ardayda Jaamacadda Kordofan
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarashada
Codbixinta Galmudug & Hirshabeelle oo si Nabad ah ku Soo Dhammaaday, Tirinta Codadka oo Bilaabanaysa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha uga Qaybgalaya Kulanka Baarlamaannada EAC iy Shirweynaha IPU
Wariye Muhammad al-Najjar iyo siddeed Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Xasilloonida Suudaan
Masar oo Beenisay Faragelin Kaddib Markii Itoobiya ku Eedeysay Taageeridda Kooxo Hubeysan
Soomaaliya ayaa Sheegtay In ay Mar Walba Garab Taagan Tahay Falastiin
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Codkiisa Dhiibtay iyadoo Doorashooyinka Deegaanku Socdaan
Jabuuti oo si kulul u cambaareysay xad-gudubka Israa'iiliyiinta ee Masjidka Al-Aqsa
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga sii daayay markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti
Haweeneydii ugu horreysay abid oo loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha dalka Marooko
Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo Netanyahu ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’
Soomaaliya: Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka bilowday maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria suu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya
Aqoonyahanno iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka Yimid Saddex Qaaradood oo Lagu Maamuusay Edmonton
Soomaaliya iyo Brazil oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Ganacsiga