| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo La Kulmay Danjiraha Qatar si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada JFS.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo La Kulmay Danjiraha Qatar si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal
Ra’iisul Wasaare Xamza oo La Kulmay Danjiraha Qatar si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanlintii Sabtida xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nu’aymi, halkaas oo labada dhinac ay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Intii lagu guda jiray kulanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha warbixin ka siiyay dadaallada socda ee dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta siyaasadda, iyo dib-u-dhiska qaranka, iyo sidoo kale qorshayaasha Dowladda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin dadweyne oo dalka oo dhan ka dhaca.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Qatar ku ammaanay kaalinta ay ka qaadato taageerada qaybta amniga ee Soomaaliya iyo iskaashigeeda joogtada ah ee ku aaddan taageeridda soo kabashada iyo dhismaha dowladnimada dalka.

Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nu’aymi ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre soo dhoweynta diirran, wuxuuna dib u xaqiijiyay sida ay Qatar uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimadeeda, wadajirkeeda, iyo horumarkeeda.

Danjiraha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo sii qotodheereynta xiriirka labada dal ee dhinacyo kala duwan.

XIGASHO:SONNA