| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Suudaan: Ugu yaraan 21 qof oo ku naf waayey doon ku degtay Webiga Niil
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaar ka mid ah rakaabka weli la la’yahay, halka Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ay sheegtay in lix ka mid ah rakaabkii doonta ay badbaadeen.
Suudaan: Ugu yaraan 21 qof oo ku naf waayey doon ku degtay Webiga Niil
Suudaan: Ugu yaraan 21 qof oo ku naf waayey doon ku degtay Webiga Niil / Reuters
18 saacadood ka hor

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay saarnaayeen ku degtay Webiga Niil ee waqooyiga Suudaan, sida ay sheegeen maamulka gobolka iyo dad goob joogayaal ah.

Maamulka Gobolka Webiga Niil ayaa Khamiistii sheegay in la soo saaray 21 meyd kaddib shilkaasi, wuxuuna shaaciyay magacyadooda, isagoo ka digay in qaar ka mid ah rakaabkii weli la la’yahay, sida ay werisay AFP.

Doonida ayaa ka gudbaysay webiga inta u dhexeysa tuulooyinka Tayba al-Khawad iyo Deim al-Qarai, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka maxalliga ah.

Bayaanka ma uusan faahfaahin sababta keentay shilka.

Goobjoogayaal ayaa AFP u xaqiijiyey in doonidu ay siday 30 qof.

Rakaab badbaaday

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lix ka mid ah rakaabkii doonta ay badbaadeen.

Kooxdu waxay sheegtay in dhacdadani ay muujinayso “jilicsanaanta gaadiidka webiyada iyo maqnaanshaha shuruudaha aasaasiga ah ee badbaadada, iyo sidoo kale maqnaanshaha buuxa ee maamulka maxalliga ah iyo kooxaha gurmadka difaaca madaniga ah saacadihii ugu horreeyay ee shilka.”

Dad badan oo Suudaaniyiin ah ayaa ku tiirsan gaadiidka webiyada oo loo adeegsado doonyo hal matoor leh oo uu wado hal kaliya oo doon-wade ah.

Dagaalka ka socda Suudaan ayaa dalka u kala qeybiyay ciidamada dowladda iyo kooxda RSF, iyadoo xirnaanshaha waddooyinka iyo hoos u dhaca weyn ee adeegyada guud, iyo sidoo kale kaabayaasha caafimaadka iyo waxbarashada ay sii xumeeyeen xaaladda.

XIGASHO:AA