Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Gianni Infantino, ayaa la filayaa inuu dabayaaqada sanadkan booqasho taariikhi ah ku yimaado Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), oo ku tilmaamay booqashadan mid muhiim u ah horumarinta kubadda cagta dalka.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF) ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa sheegay in booqashadani ay ka dambeysay wada-hadallo heer sare ah oo uu Infantino kula yeeshay kulammo dhowaan ka dhacay Mareykanka, kuwaas oo lagu gaaray heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya.
Xiriirka ayaa sheegay in booqashadan la qorsheeyay ay ka tarjumeyso kalsoonida FIFA ay ku qabto horumarka kubadda cagta Soomaaliya, isagoo horumarkaas ku sababeeyay wada shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
Sida uu sheegay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, booqashada Infantino ayaa la filayaa inay horseeddo taageero dheeraad ah oo FIFA ay siiso Soomaaliya, oo ay ku jirto maalgelinta kaabayaasha kubadda cagta, tababarka macallimiinta iyo garsoorayaasha, horumarinta kubadda cagta dhallinyarada iyo haweenka, iyo xoojinta awoodaha farsamo iyo maamulka.




















