Masar ayaa sheegtay in Kanaalka Suweys uu weli “ammaan” yahay, isla markaana isu socodka badda uu si caadi ah uga socdo. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maamulka Kanaalka Suweys, Guddoomiye Osama Rabie ayaa munaasabad lagu xusayay Maalinta Badaha Adduunka 2026 oo lagu qabtay Alexandria ka sheegay in isu socodka maraakiibtu si joogto ah u socdo, halka dakhliga kanaalku bishii Agoosto gaaray $567.1 milyan, taas oo 56.7% ka badan $326 milyan oo la diiwaangeliyay isla bishii Agoosto 2025. Wuxuu sheegay in adeegyada kanaalka loo bixiyo si hufan, hagayaasha maraakiibtuna ay waajibaadkooda u gutaan heer sare oo diyaar-garow iyo xirfad leh.
Warbixinnada isu socodka maraakiibta ayaa muujinaya in bishii Agoosto kanaalka ay mareen 1,358 markab oo siday 68.3 milyan oo metrik tan oo xamuul saafi ah, marka loo eego 1,070 markab oo siday 45.2 milyan oo metrik tan isla bishii Agoosto sannadkii hore. Rabie ayaa sheegay in tani ka dhigan tahay koror 27% ah oo tirada maraakiibta ah, 51.1% ah oo xamuulka saafida ah iyo 56.7% ah oo dakhliga ah.
Rabie ayaa sheegay in qalalaasaha caalamiga iyo isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka sannadihii u dambeeyay ay si toos ah u saameeyeen silsiladaha sahayda caalamka, balse Kanaalka Suweys uu mar kale muujiyay doorkiisa muhiimka ah ee aan la beddeli karin ee sugidda silsiladahaas. Hadalka Masar ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay weli jiraan xiisado ka taagan Marinka Baabul Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana marin muhiim ah u ah Kanaalka Suweys.
Kaddib weerarradii Israa’iil ee Marinka Gaza ee billowday Oktoobar 2023, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa bartilmaameedsatay maraakiib ganacsi oo marayay Badda Cas iyo Marinka Baabul Mandab, taas oo ku kalliftay shirkado waaweyn oo maraakiibta ah inay u weecdaan marinka Cape of Good Hope. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa dhawaan sheegay in xiisadaha Badda Cas ay Masar ku waayeen dakhli Kanaalka Suweys ah oo gaaraya ku dhowaad $11 bilyan.






















