Urur caafimaad oo ku eedeysay RSF inay barakiciyeen 3,000 qof gobolka Blue Nile ee Suudaan
Shabakaddu waxay sheegtay in dagaalyahannadu burburiyeen isbitaalka Al-Kurmuk; guddoomiyahana wuxuu sheegay in xaaladdu xadku ay haatan deggan tahay.
Shabakadda dhakhaatiirta Suudaan ayaa Arbacadii ku eedeysay maleeshiyaadka RSF inay barakiciyeen ku dhowaad 3,000 oo qof isla markaana burburiyeen isbitaal ku yaalla gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan, oo ah urur caafimaad oo madaxbannaan, ayaa sheegtay in dagaalyahannada RSF ay galeen magaalada Al-Kurmuk kadib dagaallo culus, iyagoo boobay xarumaha caafimaadka isla markaana burburiyay isbitaalka ugu weyn ee magaalada.
Bayaan ay soo saartay, kooxda ayaa sheegtay in qalab iyo sahay caafimaad la xaday, shaqaalaha caafimaadkana la weeraray intii uu socday weerarka, taasoo sababtay in hal qof oo shaqaale ah uu si daran u dhaawacmo.
Shabakadda ayaa sheegtay in rabshadahaasi ay ku qasbeen in ka badan 3,000 oo qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, inay ka cararaan Al-Kurmuk iyagoo u jiheystay caasimadda gobolka ee Ad-Damazin iyo deegaanada u dhow ee xadka Itoobiya.
Waxay masuuliyadda dusha ka saartay hoggaanka RSF waxa ay ku tilmaantay burbur iyo boob si nidaamsan loo sameeyay, halka ciidamadaasi aysan si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha.
Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Blue Nile Ahmed Al-Omda Badi ayaa sheegay in xaaladda gobolka ay weli deggan tahay, oo ay ku jiraan meelaha xuduudaha la leh Itoobiya iyo Koonfur Suudaan.
Wakaaladda wararka dowladda Suudaan (SUNA) ayaa soo xigatay Badi isagoo sheegay in horumar la filayo dhawaan oo fududeyn kara in dadka deegaanka ay dib ugu laabtaan guryahooda.
Isniintii, mas’uuliyiinta Suudaan ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay ka hortageen weerarro ay qaadeen dagaalyahannada RSF iyo xulafadooda Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Shacabka Suudaan-Waqooyi (SPLM-N) oo lagu qaaday Al-Kurmuk iyo deegaanada ku dhow ee koonfurta magaalada.
Tan iyo Abriil 2023, ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF ayaa ku jira dagaal la xiriira qorshe lagu doonayay in ciidamadaas paramilitary-ga ah lagu daro ciidanka qaranka. Dagaalkaasi ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran caalamka, iyadoo tobanaan kun oo qof ay ku dhinteen ku dhowaad 13 milyan oo qofna ay barakaceen.